Sh Xassaan Xuseen oo laga joojiyey Muxaadaro caawa uu ka jeedin lahaa Masjidka Bilaal

July 16, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa xog rasmi ah oo aan ka helnay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya uuna na soo gaarsiiyey ilo wareed lagu kalsoon yahay uu noo sheegay in muxaadaro u iclaansanayd Sheekh Xassaan Xuseen Aadan in uu caawa ka jeediyo Masjidka Bilaal ee magaalada Nairobi ay ka joojiyeen maamulka Masjidka Bilaal.

Sheekh Xassaan Xuseen Aadan ayaa waxaa uu doonayey in uu muxaadaro  jawaab u ah muxaadaro uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ka jeedi yey Masjidka Abuubakar uuna ugu magacdaray فكرالخوارج وصفاتهم واثرهم في الطوائف المعاصرة  oo macnaheedu uu yahay  tilmaamaha lagu garan karo kooxda Khawaarijta iyo tilmaamaha ay caanka ku yihiin iyo sida ay u saameeyeen kooxaha cusub.

Muxaadarada Sheekh Xassaan Xuseen uu ka jeedin lahaa Masjid Bilaal ee laga joojiyey ayaa ku soo beegmaysay iyadoo uu Sh. Maxamed Cabdi Umal uu muxaadaradiisii u danbaysay uu ku sheegay in kooxaha iyo Ashqaasta ku sifoobay afkaarta Khawaarijta aan waxba laga dhageysan karin , duruustoodana aan la faafin karin.

Ilaa hadda maamulka Masjidka si toos ah ugama hadal sababta rasmiga ah ee ay Sheekh Xassaan Xuseen uga joojiyeen muxaadaradii uu caawa ka jeedin lahaa Masjidka Bilaal oo horay loo iclaamiyey balse waxaa la filayaa in ay salka ku hayso afkaar gooni ah oo uu qabo Sh Xassaan Xuseen oo dad badan ay ku diidan yihiin ama ay uga aragti duwan yihiin aragtidaas oo ay ugu horayso gaalaysiinta uu Sheekh Xassaan ku tuuray Jamaacada Ictisaam iyo fatwada uu ku bixiyey in culimadeed lagu dilo meel walba.

Halgan.net

18 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC
    ADUUNYADA WAXAA U NASIIB XUN NINKII ILLAAH CAAQIBADIISA HAGAAGI KARI WEYSA AAD AYAAN UGU XUMAHAY WALAALAHA MUSLIMIINTA AH EE WAQTIGOODA QAALIGA AH KA FAA,IDEYSAN WAAYEY
    MAXAA YEELLAY MAXAA YEELLEY DHOWRKII SANO EE DGAALADA SOKEEYE WAXAY AHAYD INAN QABIILEYSI KU TAAGEERNO MAANTANA WAXAA MUUQATA CULIMADII INAAN PROJETKII U BEDELNAY KII QABAA,ILKII EE WADANKU KA DEGI WAAYEY
    MAXAA IDIIN DIIDEY IN CULIMADA MIDKII QALDAN IYO KII EED SHEEGANAYABA ISU KEENTAAN OO WAXII LA ISKU HAYSTAA SI LOO OGAADO BEDELKII AAD LABA TAAGEERO GAROONKA CIYAARAHA OO KALE U SACABA TUMEYSAAN CULIMADA DABKANA U SHIDEYSAAN
    MIYEYSAN AHAYN BANI,AADAM QALDAMI KARA LABADOODABA
    WAXAAN LEEYAHAY WALAALAHA MUSLIMIINTA AH HA LAMIDIINKA HELLO KUWA DABKA DEMIYA OO WANAAGA JECEL CULIMADA COWRAADKOODANA DABOOLA
    WABILAAHI TOWFIIQ….

  2. الحمد لله والصلاة والسلام على من لا نبي بعده
    اشكر اخواني ادارة الموقع.
    الصحوة الاسلامية في الصومال تربت على يد العلماء، فهل يستحقون منا ان نرد لهم بالتفكير والتفسيق والتبديع. لا أري هذا الا غلو بحت.

  3. asalaamu calaykum walaalaha muslimiinta ahow salaan ka dib ilaahey ayaa mahad leh xaqa kala cadeeyey ,xasaan in laga joojiyo muxadarada way fiicantahay oo waxaan kula talin lahaa bulshada, culamada iyo waxgaradka ku dhaqan kenya in ay talaabo wax ku ool ah ka qaadan sheekhan sababto ah umadda islaamka ayu fitna ku dhexwadaa meesha uu dhahayey culamada lifasaadihim ayaa loo dilaya asaga ayaa istaahila إن صح التعبير waxan kula talin laha xasaanow ilahay u towbad keen intay goori goor tahay dad badan ayad ku xad gudubtay hadi ad towbad keeni wayso oo aad kanoqon wayso khaladaadki aad gashay umada somaliyeed waa in ay go’an ka gaaraan, ma aha in muxaadaro kaliya laga reebo waa in si toos ah looga hortagaa oo wixi muxaadaro fikirkiisa khaladan ah ee uu duubay dhamaan la wada tirtiraa si ayna dadka ugu aafoowin اللهم ارنا الحق حقاورزقنا اتباعه وارنا الباطل باطلا ورزقنا اجتنابه آمين امين

  4. Allaahoow xaqa natus kuwii raacana naga dhig Baadilkana natus inuu baadilyahay nana waafaji inaad ka dheeraano

  5. Asc. Muxaadaradiisa in loo daayo ayaa fiicnayd oo ay bulshada soomaaliyeed u cadaato waxa ay yihiin kooxdan. Hadiise laga celceliyo dad badan baa u qaadanayo in uu saxan yahay.

  6. Walaalayaal Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa xalaal barqaa la qashaa. Waxay arrintani i xasuusisay odhaah caan ahayd waqtigii dacwada saxiixa ahi curdanka ahayd. Weedhaasi waxay ahayd bidco lalama doodo ee waa la dilaa. Weedhaasi waxay halkudheg u ahayd suufiyaddii rabtay in ay xaqa daboolka saarto waayo xujo iyo dood ay kaga hortagto ma hayn. Aniguu taa ulama jeedo Xasaan waa sax ee waxaan ula jeedaa in si toos ah loogala doodo waxa lagu eedaynayo. Maanta qofna lama cabudhin karo waayo wuxuu si fudud muxaadarooyinkiisa ugu soo gudbin karaa iyaga oo cod iyo muuqaal ah website-da diyaarka u ah in ay baahiyaan. Haddaba ayaan waqti la isaga lumin wax shaqaynayn.

  7. kkkkkkkk hah waa khyr waa wax waalan oo khaarij takfiiriah waa xaaran inladhagaysto salafku dhagaha ayaka qabsanjireen noocas caqiidad xun wan shiraarul khalqi sida rasuulku sheegay waama waa jib sharci ah in lagadigo shartooda waxaas sufahada ah

  8. ASC. SALANTA ISLAAMKA KADIB AAD AYAAN UGU FARAXSANAHAY IN MUXAADARADII SH. UMALA LOO ROGA FICIL OO MASJID BILAAL LOO DIIDAY XASAAN SUXUUN IYO FIKIRKIISA CAANKA AH

  9. Asc salan kadib walalayalow ani waxan qabay in lo dayo maxa yelay waxa hor yalay su’alo ad u culculus oy ku adag tahay inu ka jawabo marka sh.xasaan waxan le yahay rabi ka cabsi iyo rag iska dhici meel ma wada gasho dadka qar o kugu orkacsanayo yeysan god kugu ridin o a khiradaada ilaasho o adunyo iyo akhiro kala badan

  10. Ninkaan waa nin waashay sheekh waxba kama oga, halaga diktoonaado cudurka ,Dhiig baneysiga iyo gaaleysiga uu dadka ka dhaadhicinaayo

  11. sw

    dagaalkii looga xoreeyey masaajida xamar kooxaha suufiyada oo dib uga curtay magaalada Nairob “ka dib markii kooxaha Takfiirka iyo khawaarijta ku saamoobay laga ceyriyey masjidka bilal Alaahu Akbar
    culumada Ictisaam dagaalka ha kuwadaan Takfiirka ilaa laga xoreeyo Masaajida alle

  12. مثل هذا يسمى سياسة تكميم الأفواه وعدم اعطاء الفرصة للمخالف لابداء رأيه
    وفى رأيى هذا ما أراد به فضيلة الشيخ محمد عبده أمل عندما أفتى فى المحاضرة الأخيرة الى عدم جواز الاستماع والاتجار من تسجيلات المخالف،لتخلو الساحة للرأى الواحد ومن اتجاه خاص
    وكل من حاول هذ لم ينجح به ولو بالحديد والنار والتأريخ شاهد على مانقول

    وشكرا للهلغن نيت

  13. aniga waxaan u arkaaa in laga hiiliyay sheikh xasaan wayo in la dhafey aheyd bal waxa uu sheego hala arkee marka sheikh umal ayaa lala jirsaday

  14. INTUU KA QARSOONYAHAY SI UU XAQU UGU CADDAADO CULIMADU MAY ISA SOO HOR

    FARIISTAAN OO SI TOOSA U DOODAAN .

    {FA’IN TANAAZACTUM FII SHAYI FARUDUU ILALLAAHI WA RASUULIHI……}?!!!

  15. Waa arin aad ufiican waxaa kaloo loo baahanyahay in nikaas latagooro bulshadane looga digo shartiisa ……..

  16. ascw. Sidaasaa isagana ufiican umadana ufiican hadiikale dhiig kale yuubaneysan,waxaa fiicnaan laheyd intuu ilaah kabaqo sheekh xasaan culimadana cafis weydiisto,xaqiiqda inuu usoonoqdo.

  17. MASHALLAH WAA ARIN WANAGSAN IN LAGA JOJIYO, SAA WAXA KHEYIR AH MASHEGILAHEYIN IN UU CULUMAD CAYO IYO GWLEYSIYO MA AHAN..

  18. masha allah, halaga joojiyo a walba ba waxasan lakama sugeeyn.after all it is a good news.

Leave a comment

*