Sheekh C/raxmaan Bukhaari oo cawa darsigii 3aad ka jeediyay Nadwo cilmiyedka 3aad ee socota Masjidka Abu Bakar Sidiiq ee D. Waaciye

July 4, 2012 - Written by

Waaciye:-Nadwo Cilmiyeedka 3aad ay ka bilaabay Masjidka Abu Bakar Sadiiq ee Degmada Waaciye ayaa gashay caawa habeenkii sadexaad oo xidhiidh ah waxaana dariga labaad soo jediyay Sheekh C/raxmaan Maxamed Dhowre “Bukhaari” oo ka  hadlay Mowduuc ciwaankiisu ahaa( ahmiyada wakhtigu u leeyahay Islaamka أهمية الوقت في الإسلام )

Darsiga waxa uu ugu horeyn Sheekh C/raxmaan Bukhaari ku bilaabay tilmaamo guud oo la xidhiidha wakhtiga iyo sida uu isku cidhbiyo waxaanu soo qaaday Aaydo ka mid ah Quraanka kariimka ah oo ka hadlaya is badbadalka xiliga wuxuna halkaa sidoo kale tilmaamay in wakhtigu uu yahay midka xadidaya wakhti ama nolosha wakhtiga .

Sheekhu waxa uu intaa kadib ku hadlay In Alle CSW uu ku dhaartay Wakhtiga Suurado ka mid ah Quraanka kariimka ah (و الفجر وليال عشر , و الضحى و الليل إذا سجى ,و الليل إذا يغشى ) waxa  uu sidaa oo kale dulmar ku sameeyay waxyaabaha laga fahmayo Aayaadkaa Quraankaa ah ee meelo kala duwan Alle ku dhaartay ..

Kadib intaa waxa uu xusay Sheekh C/raxmaan Maxamed “Bukhaari” in Maalinta Qiyaame qofka wa waydiinayo cimrigiisii waxa uu ku bixiyay iyo dhalinyaradimadii waxa uu ku qabsaday sida ku cad Xadiiska Nabiga CSW ka sugnaaday .

Sidaa oo kale waxa uu Sheekh Bukhaari tilmaamay in dadka waxa laga donayaa ay tahay in wakhtigooda ay uga faa’iideystaan cibaadada Alle iyo sameynta waxa uu Alle raali ka yahay ayna xisaabta ku darsadaan in Alle weydiinayo wakhtigiisa oo dhigan cimrigiisa, waxa uu dhinaca kale tilmaamay in wakhtiga oo laga faa’ideystaa ay kamid tahay qofka shakhsiyadiisa oo hormar sameeya ama cibaada alle ku dadala hadii wakhtigiisu dayacmana ay la micno tahay nin aduunkiis ku khasaray.

 

Waxa uu sidaa oo kale Sheekhu soo hadal qaaday in qofka cimrigiisa ama camalkiisa Alle uu ku weydiin doono xoolihiisa ama maalkiisa halka uu ka keenay iyo halka uu ku bixiyay , sidaa oo kale waxa uu Sheekhu xusay in micno fara badan laga fahmayo Xadiiska Nabiga CSW ka sugnaaday ee ka hadlay Cimriga qofka ( لا يزال قدما عبد ……… الحذيث) .

 

Sidaa oo kale waxa uu soo qaaday Xadiiskii Nabiga ee ka halday shan uga faa’iideyso Shan inta aysan kuu iman oo ahaa caafimaadkada uga faa’iideyso xanuunka inta usan kuu iman, dhalinyaranimadada ka hor gabowga iyo qodobada kale ee xiga,.

 

Sheekh Bukhaari waxa uu sidaa oo kale xusay in dadku ay labo ka shalaayaan oo kala ah firaaqada iyo caafimaadka labadaa sheyna uu qofku dareemo marka uu waayo ,dadkuna waxa ay ku kala tageeni ay tahay sida ay wakhtigooda uga faa’iideysten, sidaa oo kale sheekhu soo hadal qaaday in dadka laga doonayo in ay dhug u yeeshaan in cimrigoodu u socdo sida habeenka iyo maalinku isku bed bedlayaan dadka hadda da’da ahna ay soo mareen xili ay dhalinyaro ahaayeen xoogna lahaayeen dhinac kastaana ay ka caafimaad qabeen , waxaanu xusay sidaa  oo kale in wakhtigu uusan ahayn mid taagan ama la soo celin karo.

Sidaa oo kale waxa uu soo qaaday Sheekhu hadal uu yidhi Sheekh Xasan Al bisri oo ahaa in bini aadamka uu wakhtigu maalin kastaa soo maro isagoo leh iga faa’iideyso dib u soo noqon mayo malinta qiyaame alle hortiisa ayaan makhraati kaaga noqon ee camal fiican aan kaa geeyo hadii kale maalintaa waan ku hor iman.

Sidaa oo kale Sheekhu waxa uu tilmaamo kala duwan ku sameeyay waxyabaha wakhtiga dayaca wuxuna ugu horeyn carabka ku adeeyay in dadku ay yihiin kuwo ku fakara sidii ay wakhtiga isku dhaafin lahayeen culimadii salafkuna ay ahaayeen kuwo ku xisabtama wakhtiga iyo sida ay uga faa’iideysteen iyo waxa uu ku dhaafay, sidaa oo kale waxa uu tilmaamay in dadku ay yihiin kuwo shaqadooda dib u dhiga hadana ku fakara in ay qaban doonaan sidaana wahsi ku galayo camalkina sidaa ku dhaafayaan, waxa uu dhinaca kale sheegay in daacada alle oo dib loo dhigo ay nafta caado ka dhiganeyso.

 

Sheekh Bukhaari waxa uu darsiga ku soo gaba gabeeyay naseexooyin guud oo uu u jeediyay dadka Nadwada la socda wuxuna Alle uga baryay in Alle kheyrka waafajiyo cibaadada iyo daacada Alle u fududeeyo ubadkana Alle u wanaajiyo

 

Darsiga Sheekh C/rxmaan Bukhari kadib waxa ay Culimadu ka jawaabeen su’aalaad kala duwan oo ay Culimada soo weydiiyeen dadka Nadwada la socda waxana si wada jir ah uga wada jawaabay Culimada kala ah.

 

1-      Sheekh C/rsahiid Siciid Ducaale

2-      Sheekh Xasan Maxamed Muuse

 

Culimada kale ayaa lagu wadaa in ay si wada jir ah habeen dambe uga wada jawaabi doonaan su’aalaha fatawada ah ee dadku soo weydiinayaan culimada

Duruusta ka baxeysa Nadwada ayaa si toos ah loogala socday dhamaan Xaafdaha ay ka kooban tahay Magaalada Waaciye iyo nawaaxigeeda taasi oo ay tabineysay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Degmada Waciye sidaa oo kale waxaa jira Idaacado kale oo ka qeyb qaadanayay tabinta Duruusta ka baxeysa Nadwada sidaa oo kale waxaa Nadwada dhanka Internketka qoraal iyo cod ahaan si wada jir ah ugu tabinayay Webs-ka kala ah Somalimirror.com iyo Halga.net, kuwaa oo inta badan tabiya Acmaasha kheyrka ah iyo dhamaan Nadwooyinka lagu qabto gudaha Soomaaliya iyo Dibadaba

Waaciye
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online