Sh.Dr.C/raxmaan Sheekh Claahi Cumar oo Su,aal ku wajahay Sh Xasaan Xusen

July 1, 2012 - Written by

Madina :-Sheekh Dr.C/raxmaan Sheekh Claahi Cumar oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee wax ka dhiga Jaamacada Dheyba oo ku taal Madiina Al-munawara ayaa na soo gaarsiiyey  su,aal ku socda Sheekh Xasaan Xusen ka dib markii uu Xasaan Gaalnimo ku xukmiyey shacabka iyo Culumadii jamaacat Ictisaam bilkitaab wasuna. Sh Xasaan ayaa yiri Jamaaca Ictisaam waa dhaa,ifa Murtada oo diinta ka laabatay ama Jamaaca Kufriya waxaa kale oo ku xukmiyey shacabka ku dhaqan deegaanada aysan gacanta ku heynin Ururka Al-shabaab gaalnimo xitaa culumada ku dhaqan deegaanadaas fatwadaas oo ay umadii la yaabeen.

Hoos ka Dhageyso Sheekh Xasaan oo fatwoonaya in Jaamacat Ictisaam (Ex Itixaad Islaami)Jamaaca Murada oo diinta ka baxday.

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/002288c21l/ict.mp3] ama Halkaan ka dhagayso Jamaaca Ictisaam waa jamaaca Kufriya [audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/4qu7oc7jmm/ictisaam2.mp3]

Hoos ka eeg Sh Xasaan oo gaalnimo ku xukmiyey shacabka iyo culumada ku dhaqan deegaanada aysan ka talin Al-Shabaab wuxuuna yiri

Maslaxadu waxay ku jirtaa in la gaalaysiiyo dhamman shacabka iyo culimada ku dhaqan nidaamyada jira oo dhan ee riddada ah, ha rumays naadeen gaalnimada ama yeysan rumays naane, qofkii ducaadda ka mid ah oo sidan khilaafana waa in la gooyaa, la cambaareeyaa ama la yiraahdaa waa faasiq” (Ta’yiid wa Munaasarah, Bogga 43)

 

Halkan ka Akhriso Su,aalihii uu Dr C/raxmaan Sh Claahi Cumar ku wajahay Sh Xasaan Xusen

Halgan.net

27 Comments so far

Leave a comment

  1. حقا، هذه أسئلة مفحمة وجهت للمدعو : حسان حسين الذي تطاول على العلماء حتى حكم عليهم بالردة – والعياذبالله وأمر هذا الحصان عجيب فهو يتناقض ويبيح لنفسه مايحرم على غيره فمثلا فهو يعيش تحت دولة كافرة التي نال جنسيتهابطرق ملتوية مثل دفع الرشاوى والإنتساب إلى غيرعشيرته ومع ذلك يكفر من يتصالح مع إثيوبيا!فهو كالجمل الذي لايرى إعوجاج رقبته ،ويدعو إلى الجهاد ولايذهب إليه ويفتي جواز إغتيال العلماء ومانرجوا منه الآن أن يجيب عن الأسئلة بدون مراوغة، وشكرا للدكتور عبد الرحمن والله ولي التوفيق

  2. TO: Salmaan cabdallah

    Waxaan marka hore rajeynayaa in walaalkaas aan magaciisa kor kusoo xusay ee tacliiqa yar ee carabiga ah qorey uu fahmayo afsoomaaliga, walaal salmaan waxaan filayaa sheekh saxaan waxa kasoo daahiray ee jafaa iyo quluwi ah ayaa cid kasta afkala qaad ku noqotay, mana aha wax waayahan dambe saaxada soomaaliya lagu yaqiinay, oo nin culimo sheeganayaayi laga maqlay, masaailka uu wadaadkaanu dhexgalayna ee uu ummaddii ilaahay ku gaaleeyeyna waa kuwo xataa isagii kusoo laabtey oo xukunkiisa calamad suaal geliyey, marka ma filayo waxa nin kastaa ku inkirayna waa wixii hadda ka hor uu isagu ka digay oo hadda uu isagii sameynayo.
    tan kale maba ahan wax qarsoon oo kheyr alle haka siiyee walaalka c/casiis si fiican ayuu wax walba usoo bandhigay illaa uu dhinac kasta ku dedaalay inuu masaailkii khuseeyey si maqal ah usoo bandhigay, marka sxb salmaanow waa cadaalad ayaan oran karaa in sheekh xasaan inkaar adag oo weliba qawwi ah laga muujiyo aqwaashiisaas, aan waxba u reebin culimadii saxwada islaamiga ee soomaaliyeed ee uu ka dhigay kuwo dhiigoodu bannaan yahay oo fil-xilli walxaramba lagu laynayo …fawaa cajaban bal suureyso culimadii soomaaliyeed oo wiil yar oo xamaaseysan inta intaas dhegta ku ritay uu saf ka maray, fasaadka ka weyni waa maxay…? laakiin alle mahaddii fatwooyinkaas xataa sheekh xasaan waxaa ku inkiray inbadan oo ka mid ah atbaacdiisa oo dheg jalaq aan u siinin. Hadal waxaan kusoo koobayaa maanta waxaa ay tahay in aflabadii dhawaaq ah lagaga hortago fikirka sheekh xasaan ee aan waxaba reebeyn…wallaahul-mustacaan

  3. بالفعل اسئلة قوية والزامات صعبة! اظن أن الرسالة وصلت للحسان وارجوا ان يكون موفقا للاجابة عليها ! انا والله مستغرب عن بعض الاشياء التي ينسب لهذا الإنسان!
    حدثني احد الاخوة بحادثة يجب ان نعتبر لها جميعا
    قال لي ان حسان عندما اخرج رسالته المسمى ( نصرة وتأيد) اخذها أحد طلاب العلم في حلقات الشيخ ناصر العمر حفظه الله وقال له يا شيخنا انظر هذه الرسالة أريد ان اعرف رأيك فيها؟ فقال الشيخ حفظه الله عندما طالع الرسالة
    الكاتب لهذه الرسالة مجرم ويجب عليه الانكار!!!!
    فسبحان الله! وهذا ما حكى لي احد الاخوة في الرياض في الحج الماضي
    فلك ان تتعجب ايها المنصف!
    علماء الذين كفرهم حسان هم رموز الدعوة السلفية ليس في صومال فحسب بل القرن الافريقي ككل

    ما ذا يريد هذا المفتري؟؟
    إن كان يريد الاشتهار
    ؟ فالعلم لا يطلب لاجل الشهرة
    أو فيه تعصب مذهبي؟
    فإن ذلك مقيت وغير مستحسن

    العلماء الذين يكفرهم هذا الرجل تورعوا القول بأن الشباب ليسة حركة سنية أو ممن ينتسب اليها ليسوا ممن يدخل السلفية! وهو بلغ درجة التكفير واستباح الدماء
    فلله در المنصفين! ويا خيبة الامل للمتعصبين الجهلاء

  4. Waad salaaman tihiin walaalaha. Fadlan su’aalaha Sh. Dr C/raxmaaan Soomaali ma u bedeli kartaan?

    jazzaakum Laah kheyran

  5. She. Xassan waxan umaleyn jago ayu alshabab karadsanaya wayo wixisi wakadarey asaga aya iskuxayisiiyo alshabab culumada kalana dulka ayu diga marmar xita indala aan ayu khalad cad ugu tagera alshabab sida xasantakar wuxu yiri difaca xasantakar waxa kufilan wadadka difacay. ma xaqbaladifaca mise qof? Xasantakar wuxu yiri sh.umal aya shirkahadlay hadaladisiqarkamid ah ayuba sharxaya ayado ben ah ! Marka maninka ninkas difacayo aya dacad ah? Haday dabkatahay tagera alshabab waxbakamadacene lakin daacad kama aha dankale ayu leyahay daqankisa aya tas mujinayo

  6. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    بداية أتوجه بالتحية إلى الأخوة المشرفين على إدارة الموقع على جهدهم
    ثانيا : قرأت المقال وقرأت ايضا الأسئلة الموحهة إلى الشيخ حسان التي وججها الدكتو الشيخ عبدالرحمن وأرجو من الشيخ حسان أن يجيبها كما هي لكن أود أن أشير إلى ما لا حطته من التعليقات التي كتبها بعض الأخوة بصراحة واللله يا أخوة أتسائل هل كل جميع الإخوة الذين كتبوا التعليقات على علم واسع بهذه المسائل التي يتخاصم فيها العلماء؟ أما كان من الأحرى لكم أن تلتزموا بالوسطية بين العلماء حتى يتبين لكم الدليل بدلا من أن تلقوا اللوم على طرف دون آخر أرجوا أن نلتزم جميعا بمنهج العدالة

  7. Assalamu Caleykum,
    Bacda Salaam, Anigu waxaan go’aan saday hadalkayga inaan cadeysto kadib markaan arkay dad badan oo hadal koodu cadeyn. Taa waxaan uga jeedaa dad badan oo culumo iyo caamaba leh ayaa wali naxariis u hayo fikirka khaldan ee maanta soo daahiray dhibkiisa sida fikirka Al-shabaab oo kale. Anigu waxaan taageerayaa culumada sida Sheikh Dr. C/rahman oo kale waxaan canbaareynayaa kuwa islaamka gaaleysiinyo. sababaha dadka loo gaaleysiinayo waxaa kamid ah in dhiigooda la xalaashado. maah maah ayaa waxay tiri ‘hal cadho cabto geed ay ku xoqoto ma waydo’. Assalamu Caleykum.

    • sc wr wb wallaalaha muslimiinta meel kasta ood joogtaan markii iimaankeenu yaraaday oo aan amaanadii dayacnay oo dadkeenii la kaxayaystay oo manhaj iyo dastuur loo sameeyay oo maanta islaamkii cid baranaysaaba ay yartahay dhaqan iyo citimaad iyo ku tiirsanaan ay ba tahay qariib inay muslimiintu kala shakiyaan oo qoloba qolo kale tuhunto iyadoo kitaabkii ina dhexyaal kolay anigu culimada waa u ducaynayaa laakiin si caama dhibaatada ina haysata waxaa ka mida qilatal iimaan wa qilatal faham wa qilatal edeb illaahay khayrka ha ina waafajiyo

  8. aniga hadii aan fikirkeyga dhiibto uma maleynayo inuu xasaan soo jawaabayo sababtoo ah wuxuu ku marmarsiyoonayaa in amaankiisa wax loo dhimayo oo shirqool la gelinayo waana god uu gali doono mida kale waxaa u socota maxkamad kamana hadli karo arimaha qaarkood sida sharciga oo kale laakiin waxaan la yaabanahay maxkamad buu tagaa wuxuu leeyahay loyer u dooda maskamadu waa maxkamad gaalo xuquuqdiisa dastuuriga ah wuxuu ku raadsanayaa maxkamad gaalo asagana dadka kale wuxuu ku gaaleysiiyaa dastuur u hogaansamid. kkk cajiib war mala yaabteen waa wax lala yaabo waxaas waxaa ugu wacan masoo marin waxbarasho asaasi ah waligiis iskuul matagin marka wixii nidaam iyo kala dambeyn ku saabsan wuu ka jiriricoodaa

  9. Ascww
    Walaalayaal khayr Allaha na waa fajiyo dhamaanteen , waxaan layaabay su,asha danbe ee sheikha uu soo qoray dagaalkii ka socday dhulka aad ka soo jeedo maka qayb qaadatay , waa su,aal aan measha ku jirin , gaaladana ma aha sheikha in lagu soo jeediyo , warkaa meel ayuu u dhacaayaa , fiiro gaar ah ayuu mudanyahay sheikha su,aalihiisa , waxaanan arkaa inuu jawaab mudnayn oo uu sheikh Hassan uuna u soo jawaabin inshallah

  10. Anigu waxaan markhaati ka ahay, nin thiqa ah oo qawlkiisa aan marnaba laga shakinayn ayaa waxaan u taagnaa berigii uu sh xasaan gaaleeyey jabhadda soomaali galbeed ee sheekh ibraahim hogaaminayey, markii ay itoobiya heshiiska la galeen ee uu xasaan ku gaaleeyey taas ayaa waxa walaalkaas aan ka furaa afkiisa in uu sh xasaan intii halganku ka socday soomaali galbeed uusan weligiis qori qaadin, maalinkii halganku uu ugu kharaaraa ee raggii soomaali galbeed iyo wayaanuhu uu dhaxdooda dhiiggu falaqleynayey dersin dersinna xagga iyo xaggaba loogu dhammaanayey dagaalada ee walaalaha soomaali galbeed ugu baahi badnaayeen sheekh xasaan dhulkaas soomaali galbeed ayuu dhexjoogey , waxaa ka sii daran maalmahaas aan soo sheegnay ee ninkii wax uun qiiro ah ku jirtey uu walaalihii garab istaagi lahaa isagu inta ka soo tallaabsaday oo kasoo dulbooday ayuu kenya usoo gudbay, bal ha laysweydiiyee aaway nusradii muslimiintu isku lahayd?

    Waxaa taas ka sii daran intii la joogay nairobi amaba kenya walaalkaas wuxuu yiri weligay ma aanan arag goob ka mid ah goobihii lagu kulmi jirey ee hawlaha gobolka iyo xarbaha ka socdaba lagaga tashan jirey weligay ma aanan arkin ayuu yiri sheekh xasaan oo fadhiya oo ama hadal ama gacan ka geysanaya, waxa kaliya oo sheekh xasaan hadal soomaali galbeed laga maqlay waxay ahayd markii walaalihii 20 sano soo halgamayey ay toodii u run sheegtay, iyo shacabkoodiiba illeen ilaah baa umuuraha tadwiiliyee oo ay awoodoodii xataa ay gaari weysay inay isdifaacaan wax kaleba iska daaye shacabkoodiina jihaad lagu xoreeyo iska daaye ayba diintoodii iyo noloshoodii inqiraad ku dhowaatay ee walaalahaas shey maslaxo ama wax ku qasbanaadeen ay noqotay inay heshiis qaataan oo diintoodii iyo shacaboodii fursad u helaan, markaas ayaa weligii laga maqlay isagoo soomaali galbeed ka hadlay, markaasina oraahdii ugu yaabka badneyd ee laga maqlay ay ahayd inuu walaalahaas gaaleeyey oo diintii ka saarey….!! taasi ilaah baan idinku dhaarshaye cadaalad ma tahay?, walaalihii uu shalay garabkooda ka baxay ee af iyo addin midna wuxuu ku sheegto aan la haynin oo xaalkooda xataa haduu wax uun ka warqabo waxbay ahaan lahayde sheeko sheeko uun ay ku tahay ….cajiib waa wax lala yaabo dheh, ilaahay isagaa ummadda kala saari maalinka la qaawan yahay..intaasi waa inta aan ka hayo walaalkaas aadka u yaqaaney sheekh xasaan tan iyo soomaaliya, waxaase wax walba isku fuuqsadey fatwooyinkan dambe ee intii culimada soomaaliyeed qaadibatan uu gaaleyey…wallaahul-mustacaan tolow maxaa hadhoo laga sugayaa sheekh xasaan ?

  11. asc

    Walee culimadii waa loo tashaday fadhi inooma yaal arintu waa cadahay eediinta ale iyo culimad ehelka u ah aan difaacno oo yaan dhaxdeena mardanbe dhiiga culimadu ku daadan waxaan ka biqin in la ina rog oo culimad dhexdeena lagu laayo, aloow noo xifdi culimada adaa wax xifdiyee.

  12. ACWW,
    Hadaan wax yar ufiirsano qaabka sh xasaan ku gaalayso dadka waxaad moodaa inay ku muuqato ka aargoosi iyo cudwaan badan oo shiikhu dawaabidii uu mar mar ilaawayo, sida tan qoraalka walaal ka dr. Abdirahman usoo naqliyey ee ah inay maslaxadi keenayso in dad lagaalaysiiyo walow aysanba gaalnimo ku dhicinbe. Sh. Xasaan waxaan karajaynaynaa inuu san noqon kuwa “akhadathul cizzatu bil ithmi” ee uu ilaahay ka baqo aakhiro iyo xisaabtan ka ka horeeyana xassuusto. Dadka walaalaha na uu san kala gayn. Koley waxa fataawadiisa iyo hadaladiisa takfiiriga ku fitnaysay waa dad yar, laakiin waa dad yar oo hubeysan khatar toodana leh. Marka sh. Xassaan markale ilaahay kacabso gaalaysiin dad muslimiin iyo dad dil ku xukumid darajaad hada kaamaqan ku gaari maysid shiikh nimadaaduna ku kordhi mayso.
    Wabillahi Towfiiq

  13. masha alaah dr c/laahi ilaahay khayr badan ha siiyo runtii waa su,aalo dhaxal gal ah sheekh xassaan xuseenna waan ka suganaa jawaab ta

  14. a,c
    dhamaan walaalaha waan salaamay
    arintan meesha asalka u ah way cadahaybay aniga ila tahay
    xasaan ama ha uqasdo amaba yaanu uqasdiyinee
    waana in wax dacwa salafiya wada oo danbe laga waayo gayiga somaliyeed
    talow muxuu kafaa,iidi doonaa
    culimadii markaad kaxadraynaysay camalaw dacwada kusoo gaadhsiisay ciyaalkan dil mooyee caqli iyo diinkale aan lahayn hakudirin kuba dirtayee kajooji ilaahayna kabaq xasaanaw

  15. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

    صراحة أعجبني هذا الطرح الرائع الذي لم يترك للخصم مجالا ، وفي ظني بل أعزم أن هذه الأسئلة التي طرحها الدكتور قد أصابها وفي ثناياها إلزامات تجعل الخصم مكتوف الأيدي مع أنها دامغة للباطل والشبهات التي يثيرها الشيخ حسن حسين ،، فليجب عن هذه الأسئلة بدون مراوغة ،، وأخيرا شكري موصول لفضيلة الدكتور عبد الله،، لقد ألزم الخصم إلزامات وقعت في محلها مستدلا من الكتاب والسنة إضافة إلى ذكر تناقضات الخصم حيث يظهر من كلام حسن حسين تناقضات واضحة لأنه يكفر غيره ما هو واقع فيه ،، فإن حمل الأشياء المتشابهة على حكم واحد عين انصاف، .. فنحن ننتظر من الشيخ حسن حسين الإجابة التي تقنعنا مدعمة من الكتاب والسنة الصحيحة ولا سبيل ذلك ،، والله أعلم . والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

  16. Ilaahay sheekh Cabdiraxmaan khayr farabadan hasiiyee si cilmiyaysan ayuu ussoo gudbiyay masaa’ilka waa hadii sheekh Xassaan wax ku qaadanayo. Tan kale maanta wax qarsoon ayaa iska yar sida walaalkay Ali yare Sheegay, oo waxay maraysaaba gaalaysiin, taas oo itusaysaa Ilaahay ayaa xaqiiqda oge in Sh.Xassaan kaba mid yahay kuwii fatwooday dilkii sh.Axmed X Cabdiraxmaan. Culumada ictisaam dulmi ayaa lagu hayaa ama haka yimaado dulmigaas xaga al shabaab,kuwa sheega inay taageeraan ama wadaadkaan isagu hada culumadii iyo shacabkiiba wada gaalaysiiyay ilaahay hasoo hanuuniyee. Jamaacatul ictisaam waxaan naga wada qarsoonayn inay dadaal dacwi ah wadaan oo ay ummada cilmigii ka dhisayaan oo ay meel kasta macaahid sharciya ka fureen taas oo haddii rabi idmo ay kasoo bixi doonaan dhalinyaro cilmi kufilan leh oo ducaada isla markaasna aan la khaldi karin. Shakhsiyan ma ahi nin ka tirsan ictisaam laakiin manhaj ahaan ayaan ku taageersahay hawsha iyo waxtarka ay ummada u hayaana ma aha wax sheekh xassaan iyo wiilasha yar yar ee culumada caaya ay qarin karaan oo QORAXDU WAX SACABKA LAGU QARIYO KA WEYN. Ilaahay ha u gargaaro Muslimiinta caam ahaan, khaas ahaana jamaacatul ictisaam bil kitaab wasunnah iyo dhamaan walaalaha kale ee u taageerya Ilaahay dartiisa, Allaahumma aamiin.

  17. salamacalaykum walalka Halgan.Net marka ugu horiso waa mahad santay marka labad waa akhriyeyn ariintan arin fudud maahan sababaha culimada loo ugarsanayo wacadatay ee Allha xafide hataxadirano warki hore war soo dhaaf ninkan layiraahdo xasaan maad u dir taan culimo soo baarta isagu muslin ma yahay mise waa nin qomiyad kale u shaqeeya oo Loo soo diray culimada soomaliyeed

  18. Asc Wr wbr Waan Aqriyay Waana Su’aalo Dhaxal Gal ah Waxaana Leeyahay allaha Dr Sheikh Abdirahman Kuu Danbi Dhaafo’ waxaan aad Ula Cajabay sida Quruxda Badan ee Bathigan iyo Aqwaasha culimadan aad usoo Guurisay’ Marka waxa aan suganaba Waa Jawaaba sh Xasaan’ Ma filayo haduusan Boor isku qarin Bilaawin in uu U heli karo Jawaabo Cad Cad

  19. Assalaama calaykum waa cajiib meesha wax marayaan shiikh xasaan warkiisu qufku ka qarsoonaa hada habaraarugo hana arko meeshu kusocdo. tolow barina yaaa lagu gaalnimo xukumi? waxbase hallayaabina shiikh xasaan waa maqdiisiga somalida

  20. Asalaamu calaykum Salaan kadib. Waa mahad sanyihiin sheekha iyo walaalaha halgan. Waxaan odhon lahaa hada xaalku wuu dhaafay wakhtigii la oranjiray yaan culimada wax laga sheegin. Culimada soomaaliyeed oo ay ka midka yihiin jameecatul ictisaam iyo Sh Xassaan iyo Al Shabaab xaalkoodu hada ma joogo meel la oronkaro xaalada hala qaboojiyo ee waxay maraysaa murtad ama waa in lagula dagaalamo fil cili war xaram!!! marka ninka leh hala aamusu muxuu uga jeedaa. Meel laga aamusu lama joogo ee waa in warku cadaado.

  21. a-s-c waxan salaamy dhamaan dadka muslimka ah dadka somaliyeed waa islam ilaa mid gaalobay mahee kaan ilaahy waxan uga baryaynaa in ilaahy kusoo celiyo layluhaa ka nahaari haa oo ah islamka lakiin dadka somaliyeed mayaqaanaan carabiga man wada akhriyaan ee dadka komantiga soo qoraya waxaan ka codsanaynaa in aay kusoo qoraan somaali wa bilaahi tawfiiq

  22. للشيخ و أمثاله من الشيوخ ليسوا معصومين من الزله و كل شيخ يؤخذ منه و يرد الا النبي صلي الله عليه و سلم…وأقول و بالله أميل فأرجو أن تحققوا فتوى الشيخ و أن تستمعو قرص الفيديو جيدا فإن الشيخ مقولته ليست كما تذهبونه أو ما يشابهه ذلك… فالامر اليكم و كان علي النصح…و بارك الله فيكم

  23. Anigu koleey ma jecli in la sii wad wado khilaafaadka culimda, wax fiican ma aha, wixii aan dad ku nici jirnay umbaan hada bilownay oon ku dayanay!

    Dadow ogaada hilibka culimada waa sune!!!

  24. Salaamu Calaykum

    walaahi waa cajiib Bal taqtadhii laga bilaa akhriya waa takfiir caam ah oo la gaaleysiinayo shacabka cajiib ilaahow ha na fidneyn

  25. mashaa alah su aalo muhim ah ayaa sheekhu keenay jazaakalahu khayraa
    laakin sheekha waxaan leeyahay waqtiga yuusan kaa khasaarin hortaa ayaa maqaalo waayayn la isku qoray aduunka fitno ayaa ka socota ilaahay xaqa ha inagu sugo, su aalahan hortaa ayaa la is waydiiyay

    • sc wr wb dhamaan wallaaha muslimiinta ah iyo naftayda waxaan u dardaarmayaa taqwa allaah masaailku sida ay ukala faaido badanyihiin aynu usoo kala hormarino muranka lagama faaiido yaan lagu mashquulin nin walowba inta inta aad awoodid illaahay ka cabso waajibaadkaaga ka mid ma aha inaad ogaatid qofka iimaankiisa nifaaqiisa iyo gaalnimadiisa wax ba badan oo waajiba ayaynu dayacnay culimadana ha loo duceeyo laakiin ninowna muranka haw camal la aan

Leave a comment

*