Shirkadda Golis oo deeq Timir ah bixisey.[Daawo masawirada]

July 30, 2012 - Written by

Qardho:-Shirkadda Golis oo Deeq Timir ah bixisey Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa qeybisay deeq timir ah oo gaareysa 304gk.,deeqdaas ayaa la siiyey dariiiqada “Adin soone” ee saldhigeedu yahay Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Maamulaha shirkadda Golis Qardho Sheekh Axmed Cawaale Gaare ayaa deeqdaas gudoonsiiyey gudi ka socday dariiqada Adin soone.

Sh Axmed Cawaale mar uu ka hadley deeqda timirta ah oo ay shirkadu bixisay ayuu yiri “Bisha Ramadaan ee barakaysan shirkadu waxay go’aan satey in ay ka qeyb qaadato afur-siinta cid kastoo ay shirkaddu u garato in uu mudanyahay”. Sheekh axmed Cawaale ayaa sidoo kale sheegay in dariiqada “Adin soone” ay ka mid yihiin macaamiisha shirkadda ee isticmaala adeegyadeeda loona baahanyahay in wixii wax tar ah ee ay u baahan yihiin la siiyo.

no images were found

Dhinaca kale, Sh.Axmed Cabdulaahi Cabdi oo ka socdey dariiqada “ Adin soone” ayaa muujiyey farxadda ay ku faraxsanyihiin in shirkadda Golis ay siisey Timir ay ku afuraan bisha Ramadaan ee barakeysan. Deeq timirta ah waxay ka mid tahay waxtarka shirkadda Golis ay u sameeyso bulshada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaanka Kariimka ah.

Shirkadda Golis
Qardho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online