Shirkii Ergada ansixinta Dastuurka oo goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

July 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa goordhow si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho Shirkii Ergada ansixinta Dastuurka sida uu u xaqiijiyey warbaahin ta ka howl gasha magaalada Muqdisho Wasiirka wasaarada Dastuurka  DFKM C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu shirka ka furmay xaruntii hore ee Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Dastuurka ee DFKM C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa saxaafada u sheegay in shirka saaka ka furmay magaalada Muqdisho uu socon doono mudo dhan 9 maalmood ah .

Warbaahinta ayaa weydiisay wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil in ay soo dhameytirmeen dhamaan ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka wuxuuna sheegay in 90% ay joogaan ergooyinka inta kalana ay soo gaarayaan dhawaan . Amaanka goobka uu ka furmayo shirka ergada ansixinta Dastuurka ayaa aad loo adkeeyey waxaana la filayaa in furitaanka shirka ay ka soo qeyb galaan madaxada sare ee DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online