Sirdoonka dowlada Faransiiska oo sheegay in uu wili nool yahay Denis Allex

July 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Sirdoonka Dowlada  Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Faransiiska  kaas oo tababar siin jiray ciidamada DFKM waxaana lagu afduubay 2009 magaalada Muqdisho .Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay inay xog badan ka heleen Denis Allex wuxuuna sheegay in sirdoonka dowlada Faransiiska uu u soo gudbiyeen warbixino kala duwan taas oo xaqiijineysa in uu wili nool yahay Denis Allex .

Denis Allex ayaa waxaa uu haatan gacanta ugu jiraa sida loo maleynayo Ururka Al-Shabaab ;Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa wax faahfaahin ah ka bixin goobta uu ku sugan yahay wuxuuna sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay u soo furan lahaayeen.

Filim Muuqaal ah oo ku saabsan Denis Allex  ayaa la soo dhigay barta internetka waxaana dowlada faransiiska loogu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya ayna sii deyso maxaabiista muslinka ah ee ku xiran dalkeeda.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online