Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden oo gaaray magaalada Dhuusa Mareeb

July 9, 2012 - Written by

Galgaduud:-Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana wafdigaas horkacayey wakiilka QM u qaabilsan arimaha bani’aadanimada Mark Bowden.

Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Golaha Fulinta kooxda la baxday Ahlu Suna  Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow iyo xubno ka tirsan kooxda Ahlusuna ee haatan ka arimiya qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud .

Gudoomiyaha Golaha Fulinta kooxda la baxday Ahlu Suna  Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan booqashada wakiilka QM u qaabilsan arimaha bani’aadanimada Mark Bowden wuxuuna ka warbixiyey xaalada abaaraha ee ka jira gobalada dhexe.

Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden lama aysan hadli saxaafada ilaa haatan waxaana socdaalkooda  lagu sheegay mid la xiriira  xaaladda bini’aadannimo ee gobolka Galgaduud iyo  sidoo loo gaarsiin lahaa gobalkaas gargaarka gaar ahaa dadka xeryaha ku jira ee ku barakacay gobalka Galgaduud.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online