Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame oo shirjaraa,id ku qabtay Garoowe

July 26, 2012 - Written by

Garoowe:-Wasiirka Caafimaadka Dowalad Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa maanta waxaa uu saxaafada u sheegay in ay dowlada Puntland ay shaqadii ka joojisay dalkana ay ka ceyriyaan sadex qof oo ajaanib ah kuwaas oo ku shaqeynayey magac dhaqaatiir waxay u dhasheen dalka Keenya.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa waxaa uu cadeeyey in raga maanta la ceyriyey aysan heysan ruqsada  wasaarada caafimaadka aysana ahayn dhakhaatiir sidaas darteedna dalka laga musaafirin doono ;Wasiirka caafimaadka ee Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen 3 qof inta aysan go,aan ka qaadan wasaaradiisa.

Wasiirka Caafimaadka dawladaPuntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ugu baaqay in dhaqaatiirta ajaanibta ah ee ka howlgasha Puntland ay iska soo diiwaan galiyaan wasaarada caafimaadka si loo siiyo ruqsad waxay wasaarada ka joojisay dhaqada Dhaqaatiirta ajaaninta ee ka howlgasha isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay .

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in 7 maalmood ay isa soo diiwaan galiyaan dhaqaatiirta ajaanibta ah ee ka howlgasha isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay cidii u hogaansami weydana talaabo cad ay ka qaadi doonaan laamaha amaanka ee Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online