Wasiirkii Ganacsiga ee xukuumadii Farmaajo Maxamuud Cabdi Garweyne oo la dilay

July 16, 2012 - Written by

Muqdisho:-Warar goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la dilay Wasiirkii Ganacsiga ee xukuumadii hore ee Raisulwasaare Farmaajo Maxamuud Cabdi Garweyne  waxaana wasiirka uu dhintay ka dib markii qarax loogu xiray gaariga uu watay oo marayey Degmada Xamarweyne.

Alaha u naxariistee Wasiirkii Ganacsiga ee xukuumadii Farmaajo Maxamuud Cabdi Garweyne ayaa gaarigiisa waxaa uu qaraxu haleelay marka uu marayey  Bacadlihii hore Xamarweyne iyo inta u dhaxeysa Guryaha uunlaaye .

Wasiirkii Ganacsiga ee xukuumadii hore ee Raisulwasaare Farmaajo ayaa waxaa uu ka mid ahaa ragii qeybta weyn ku lahaa Midowgii Maxaakimta Islaamka waxaana uu aad ugu dhawaa Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed waxaa kale oo uu xil ka soo qabtay xukuumadii Cumar C/rashiid wuxuuna noqday wasiirka bini-aadanimada iyo dib u dejinta iyo Waxbarashadda

Waxaa kale oo qaraxa ku dhaawacmay 3qof oo kale oo wadada marayey sida ay Halgan.net u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah .Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne.ayaan ka bixin dalka 21 sano waxaana uu aad uga dhexmuuqday qeyb weyna ka ahaa kobcinta waxbarashada  magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. inaa lilaahi wainaa ilayhi raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto Dr Garwayne eheladiisii iyo qaraabadiisiina samir iyo iimaan alaha ka siiyo. Cidda dilaysa culimada ay sunadii nabigu ka muuqato waa dad si toos ah diinta ula dagaalamayaa. ha iga harto alshabaab diin bay u dagaalamaysaa.

  2. Allaah wixii dhibku haya diinta islaamka iyo muslimiinta ba ha ka soo qabto aamin aamin aamin

  3. Salaamu Calaykum
    alaha u naxariisto Dr.Maxamuud Cabdi Garweyne runtii waxaa ku aqaanay afgaabni iyo alle ka cabsi wuxuuna ahaa odayaashii saxwada Islaamka qeyb weyn ka soo qaatay ;Al-shabaab dilka ay dileen waxba u tari meyso iyaga ku aakhiro seegaya ;hadii uu xal u arkay ama ijtihaadkiisa siiyey in dowlada Shariif uu galo ma la dilayaa kuwaan shaki iigama jiro in ay wadadii khawaarijta hayaan alaha naga qabto

  4. Allah waxaan u wediinaynaa naxariistiisa waasaca ah inuu ku daboolo dambigiisana u dhaafo
    Koley dhaqanka noocaa ah waxa ku caan baxay waa shabaab In kasta oo balaayo oo dhan naga dhex shaqaystaan
    Shabaabse waxay marayaan meel aan la fiirsan Karin xal kale oon ahayn in la laayana ma jiro sababtoo ah inaad dishid iyo inuu ku dilo lahada waa uun mid hakaasna waxaad ka arkaysaa sirta ku jirta inuu rasuulku Scw yiraahdo khawaarijta ha la laayo suurta galna ma aha inaan iska fiirsanno inta laga tirtirayo culimada iyo waxtarka umada marka hala diyaar garoobo ragyahow

  5. Inna lilahi wa ina ileyhi rajicuun
    allaha u naxariisto marxuumka kuwii xaq darada ku dileyna illahay cadaab kulul ha ugu bishaareeyo,

    Illaahow u naxariiso marxuum garweyne

  6. ilaahaw u naxariiso ninkaas diintu ka muuqato ilaahbaan uga baryaynaa sida ay uga muuqato korkiisa inay qalbigiisana ugu jirto
    ilaahayaw intii kadanbaysay iyo intii fulisay iyo inta kufaraxdaba halaag degdeg ah kusoo daji aakhirana ka abaal mari camalkoodaa faasidka ah

  7. Aad baan wallahi uga naxay Garwayne dilkiisa, laakiin waa su’aale Shabaabow ninkaas mutadayinka ah waxna bartay oo maadiga yaqaanay dadkiisana anfacayey oo intaas oo sano waxbarasho iyo bani’aadaninimo kashaqaynayay shabaabow qarxintiisa maxaaf kadheefaysaan? Isagu qadartii Alle ayuu lakulmay, oo Rabbigiis qafuuru raxiim ah xagiis ayuu aaday, laakiin idinka maxay idiin soo kordhim? Ilaahow adigaa awood leh oo qaahir ee kuwaas akhyaartii dadka iyo intii bari loo aayi lahaa cirib tiraysa ilaahow yaa qaadir yaa jabbaar yaa muntaqim ilaahow kuwaas cirib tir. Ilaahow midna ka reebin. Ilaahow mid mid iyo jamaaciba u halaag. Ilaahow kusalid wax cribtira fa innahum laayucjizuunak.

  8. ilaahay ha u naxariisto wadaad kaas la dilay wixii dilayna ilaahay abaalkooda ha mariyo raximahullaahu raxmatan waasican

Leave a comment

*