Wasiirkii G/dhiga iyo Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Suuriya oo la dilay

July 18, 2012 - Written by

Suuriya:-Waxaa qarax lagu dilay goordhow wasiirkii Gaashaandhiga ee dowlada Suuriya sida ay xaqiijiyeen Tv-ga ku hadla afka dowlada Bashaar Asad ee Calawiga ah ,Kooxaha kacdoonka kaga soo horjeeda Dowlada Suuriya ayaa la tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan Qaraxa lagu khaarajiyey wasiirka Difaaca ee dowlada Suuriya Daa’uud Rajxah

Waxaa kale oo warar hordhac ah oo laga sii daayey Tv Aljazeera ay sheegayaan in saraakiil badan ay ku dhinteen waxaana ka mid ah wasiirka arimaha gudaha Asif Showkat oo ahaa gacanta midig ee Madaxweyne Bashaar Asad.

Weerarka qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Amniga oo ku taal xaafada Al-rowda oo ku taal bartamaha magaalada Dimishiq waxaana xaruntaas madax ka ah Jen Haashi Bakhtaar oo uu soo gaaray dhaawac Culus .

Wakaaladaha warar ee Caalamka ayaa sheegay in laba kooxood ay sheegteen in ay qaraxa ka danbeeyaan kooxada koowaad ciidanka xorta ee suuriya oo uu u hadlay Qaasim Sacad waxaa kale oo qaraxa sheegtay kooxda Liwaa Islaam oo bayaan ku faafisay barta face book.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online