Xeer-Ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

July 1, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa  xalay lagu dilay Xeer-Ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug Dabley hubeysan, ayaa fiidnimadii xalay waxa ay xaafadda Israac ku toogteen, Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug, Bashiir Cabdi Garas, iyadoona kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Marxuumka ayaa marka la dilayo waxa uu ka soo baxay Masaajid, isagoona ku sii jeeday gurigiisa, waxaana markii falka dilka ahi dhacay howlgallo bilaabay ciidanka Bileyska, balse lama sheegin cid loo qabtay dilkaas.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxaa horey loogu dilay mas’uuliyiin maamulka dowladda ka tirsan, odayaal bulshadu wada taqaanay, saxafiyiin, iyo waxgarad kale, iyadoona inta badan dadkaas la laayey iyagoo ka soo baxay masaajid, inta badanna lama qabanin cidda dilalkaas ka dambeysay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online