Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo lagu dilay degmada Dharkenley

August 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka lagu dilay degmada Dharkenley ee gobalka BanaadirYuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo ka mid ahaa wasaarada warfaafinta ee DFKM wuxuuna isku xiri jiray saxaafada madaxa banaan iyo wasaarada warfaafinta.

Koox Hubeysan oo aan la aqoon ayaa ku dishay xaafada Madiino ee degmada Dharkenley Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFKM iyaga oo baaritaano ka sameeyey goobta lagu dilay Yuusuf Farey.

Alaha ha u naxariistee  Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) ayaa wuxuu ahaan saxafi si weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho waxaana uu in mudo ah ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho xiligii talada dalka uu hayey Maxamed Siyaad Bare .

Ilaa haatan lama yaqaan cida dishay Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) balse saraakiil ka tirsan DFKM waxay dilka ku eedeeyeen kooxaha Amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online