Bayaan ka soo baxay shirkii culimada iyo ducaadda salafiyiinta ku yeesheen Kenya

August 6, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyey kulan labo maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah culimada iyo ducaadda  Soomaaliyeed ee Kenya. Shirkaas waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin:

  1. is waraysi iyo xog kala qaadasho
  2. Wada tashi ku wajahan dib u habeynta dacwada
  3. Sixidda iyo ka hortaga manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah salafka.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib culimada iyo ducaaddu waxay isku raaceen:

  1.  1-In dibu-habayn lagu sameeyo dacwada oo la dardar galiyo, lana xoojiyo isku xidhnaanta iyo iskaashiga ducaadda iyo culimada.
  2. In laga hortago manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah ee salafu saalix. Sida; kooaxaha takfiirka ah ee faafinaya manhajka khawaarijta, kooxaha banaysanaya dhiigga muslimiinta iyo guud ahaanba  kooxaha kale ee soo noolaynaya caqiidooyinka firqooyinkii lunsanaa.
  3.  In culimadu ay mowqif mideysan ka yeeshaan masalooyinka caamka  ah iyo dhacdooyinka cusub ee hadba soo kordha.
  4. In la xoojiyo kaalinta ay culimadu ku leeyihiin heshiisiinta, hoggaaminta iyo sixidda bulshda Soomaaliyeed.
  5. In culimadu kaalin libaax ku yeeshaan horumarka shacabka iyo u gurmadka meelaha ay ka dhacaan musiibooyinka guud.
  6. In mudnaan gaar ah lasiiyo daryeelka iyo waxbaridda dadka soo islaamaya ee kala duwan, loona sameeyo goobo wax lagu baro.
  7. In looga digo dadka  falalka waxyeelada u gaysanaya Muslimiinta dalka ku nool iyo diintooda, sida qarxinta goobaha dadwaynaha, goobaha cibaadada iwm, taas oo keeni karta in lagu ugaadhsado meelaha ay ku yaryihiin ama masaajida la gubo.

    no images were found

Gabagabo:

Waxay culimada iyo ducaadda isu timid ugu baaqayaan ummadda soomaliyeed: Inay Allaah ka baqaan, diintoodana si wada jira u qab sadaan, ayna diintooda ka qaataan culimada lagu kalsoon yahay, kuna dadaalaan walaalnimadooda iyo wadajirkooda, khilaafkoodana ku xalliyaan wada hadal iyo walaaltinimo si waafaqsan shareecada islaamka.

Waxaa kulankan ka soo qayb galay culimo iyo ducaad badan oo ay  ka mid yihiin:

  1. Sh Maxamed Cabdi Umal
  2. Sh C/Raxmaan Sh Cumar
  3. Sh Xasan Ashkir
  4. Sh Maxamuud Shible
  5. Sh C/Qaadir Boobe
  6. Sh C/Wahaab Isxaaq
  7. Sh Maxamed Ibrahim Shakul
  8. Sh Cismaan Maxamuud
  9. Sh. C/laahi Nuur Abul-fadli
  10. Sh. Axmed Sulub
  11. Sh. Maxamed Cismaan Calasow
  12. Sh Faarax Mire Rooble
  13. Sh Faarax Maxamed Jeenihaar
  14. Sh C/Wahaab Cismaan
  15. Dr. Axmed Xaaji C/ladiif
  16. Dr. Adam Sh Cali Saalax
  17. Dr. Maxamed Maxmuud Cali
  18. Dr. Adam Inshaar
  19. Dr. C/laahi Xasan Ibraahim.Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. allaha clumada ha inoo xifdiyo kuwaan takfiirka ah ee aan waxba u aaba yelayna allaha ka badbadsho waxaan hubaa haday jaanis u helaan in aysan dayanayn alle beysa leyihin culumadu

    qofkata oo dhalinyaraana minhajkas qaldan waa in uu ka digo iyo sidii culuamda logu xiraan lahaa

  2. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    بارك الله علي علمائنا الكرام

    Waa talaabo wax badan laga sugaayey culimada Soomaaliyeed. Dhibaatada ummada Soomaaliyeed ku habsatey 20 sano ee la soo dhaafey waxaa ugu darnaa markii Soomaalida dagaalkii qabiilka ahaa isku bedeley mid diini ah tasoo keentey qof Muslim ah inuu dhiiga walaalkiisa baneeysto, asigoo daliilna kaga dhiganaya kuwa xagjir ah oo diinta u fasiranaaya sida dantooda ku jirta.

    Soomaaliya mar waliba waxey laheyd culimo looga dameeyey diinta Islaamka oo soo gaarsiiyey ilaa iyo maanta kuwaasoo lagu yaqiin ineey mar waliba ka shaqeeyaan mideynta ummada Soomaaliyeed.

    بارك الله فيكم

  3. Asc akhwaanii mashallah culimadeeni Allah noo dhaafo mar walbo waxay jecel yihiin iney wanaaga nagu hagaan xumaantana naga reebaan waxayna noo yihiin qudwa ku dayasho ayey mudan yihiin

  4. Sidan maqlay takfirka dacwatu siriya ayey kujiran sida xassa oo kale aniga xassan inu tafrir yahay dowr qodob oo aan asaga kamaqlay ayan kusalayn 1 wuxu yiri sh umal ayan kadagageystay bukhari khaladan ayan ku arkay hadan shekha ushegana inan iskudacnan kayabay khalad u shegi manhajka iskhilafsan inuyahay ayey umuqata maxa yelay lama iskudinac usocoto ismagafto 2 culumadi somaliyed oo dan ayan ayan garkamaray bu yiri marki lawaday howlihi lagu heshiisin rabay somalida culumada kama aqlibado kama khibrad badne wa manhajka waxa iskhilafsan 3 culumadi somaliyed ee khibrada ulaheyd arimaha takfrika marki logeyay qoralki xassan iyo saxibadis waxay dehen qarkamid ah takfir aya kasourayo qoralkas 4 inkasto u iskudayay inu inkiro wuxu qaba dadka in calajahlin logu xukumo galnimo adön kafiirsanin 5 wuxu yiri dadka aan soxukumay laintoda sida salafiya jadiidiya waxa daqan galindona koox aniga iga amarqadato markey sobaxdo

  5. Asc wa muhiim in Culimadhu tashato,waan kufaraxsanahay, waana soo daweeynaya inta kadib waxan ka codsanaya walalaha Halgan.net inay Bayaanadha qaabkan usoo bandigaan oo aay kadaayaan PDF.

  6. Maa shaa allaah ilaahay culumada ha xifdiyo. Wixii qallooc wadana ummadda haka qabto aamiin

  7. Mashaa Allah, Ilaahey hanoo barakeeyo culimadena. Waan soo dhaweynaynaa bayaanka culimadda hadaan nahay dhalinyarada soomaaliyeed ee khayrka iyo wanaaga jacel.

  8. maashaa allaah.. ilaahay ha xifdiyo culimada, waxaanan ku oran lahaa mashaaqisha faraha badan kasoo jeesta oo usoo jeesta ra,sumaalkiina, maxaa yeelay waad aragtaan bahallaha kusoo fakaday mirihii aad siniin soo beereyseen ee aan ka tegeyn wax qoyan iyo wax qallalanba, ee waliba masiirkii dacwadaan mugdiga kusii hagaya, iyaga oo ka faaiideysanaya niyad wanaag badan iyo indho ka laabasho badan oo culimadu sameysay.
    Welina dabo qabasho ayay xaaladu leedahay, iyadoo ay igu maqaal tahay in sanadadii 70meeyadii ay dacwatu-salafiyah ay ugu badnaan xagga manhajka takfiiriga ah ku dhowaatey inay isugu biyo shubato, laakiin ilaahay fadligiisa ka dibna dedaal ay sameeyeen culimo tirsan oo illaa imika joogta dib loogu soo celiyey dacwadii majararaheedii saxiixa ahaa, waxaanse markhaati ka ahaa tu taas ku dhow oo ah inay sanadadii 90meeyadii horraanteeda uu haddana manhajkii takfiirka ahaa dib uu dardar cusub ugala soo baxay soomaaliya iyo east afrika khalal badanna geliyey dacwadii salafka, waxaana sidoo kale alle fadligii uu dib ugu celiyey halkii uu kasoo fufay markii horeba, taasoo ay sabab u hayd dedaal iyo dhabar adayg badan oo culimada iyo ducaadda manhajka salafka ee saafigu la yimaadeen illaa waxyaabaha aan la yaabay een arkay ay ahayd in ninkii manhajkaas ugu firfircoonaa ee bad iyo berriba u mari jirey faafintiisa uu isagii laftiisa uu sanado badan oo jahawareer ah ka dib uu alle kusoo celiyey manhajkii saxda ahaa ee uu markii hore ka lumay.
    Waxaan marka leeyahay imikana waa uun daad xoortaas hore u baaba,day oo kale manhajkaan khaarijiga ah ee hadda ordaya ee ummaddii soomaaliyeed aan waxba u reeban caalimkiisa barrigiisa iyo faajirkiisaba ee gaaleysiin iyo dil mooyee aan wax kale loo barakeyn ,hadii culimadau istaagto oo u xanjeeratana waxaan qabaa inuu galab carraw dhaw ku dhacayo oo labo cali aanay isweydiineyn waliba kii horaa dhaamey oo aan seef iyo carrab wadanin, ilaahay culimada ha noo xifdiyo cilmigooda iyo camalkoodaba iyo cirdigoodaba..

Leave a comment

*