Ciidamada AMISOM oo la wareegay amaanka magaalada Baydhabo

August 10, 2012 - Written by

Baydhabo:-Cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta waxaa ay kala wareegeen ciidamada Itoobiya ee heysta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay xarumihii ay deganaayeen ciidamada Itoobiya ka dib markii ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaraya 1000 askari la geeyey magaalada Baydhabo.

Ciidamadan AMISOM ayaa sheegay in ay amaanka magaalada Baydhabo ay la wareegeen waxaana isbuucaan oo dhan lagu daadgureynayey ciidamada ka tirsan Ugandha iyo Burundi magaalada Baydhabo.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo gaaraya 2500 la kala geyn doono magaalooyika Baydhabo iyo Baladweyne iyaga oo kala wareegaya amaan magaalooyinkaas ciidamada Itoobiya.

Ciidamada AMISOM ayaa  haatan waxay ku sugan yihiin oo dagaalo ku qabsadeen magaalada Muqdisho, deegaano ka mid ah gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan, Jubada Hoose iyo Gedo, ilaa haatan si rasmi ah looma oga tirada rasmiga ah ee ciidamada AMISOM.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan iyaga oo doonaya in ay magaalada ka baxaan lama yaqaan halka ay u jiheysan doonaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online