Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo weeraray deegaano ka tirsan gobalka Sh/Hoose

August 27, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka saaka naga soo gaaraya gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay duulaan ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose  waxaana ay ciidamada huwanta ah ay saaka ka dhaqaaqeen deegaanka NO.60 ;oo ay xarun weyn ku lahaayeen.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka socdo  deegaanada lagu magacaabo Ceel Wareeg oo u dhaxeeya deegaanka Buufow iyo Shalanbood

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saaka ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay howlgalo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose waxaana uu ku faanay in ay qabsan doonaa magaalada Marka saacadaha soo socda.

Halgan.net oo khadka tel kula xiriirtay goobjooge ku sugan magaalada Marka ayaa waxaa uu sheegay in magaalada ay degan tahay dagaalkana uu ka socdo deegaanada lagu magacaabo Ceel Wareeg oo u dhaxeeya deegaanka Buufow iyo Shalanbood.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo faahfaahin ka bixiyey dagaalka ka socda deegaano ka tirsan gobalka  Gobolka Shabellaha Hoose  .

Wixii faahfaahin ah dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online