Ciidamo gaaraya 600 oo ka tirsan DFKM oo tababar loogu soo xiray xerada Jazeera

August 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta  tababar loogu soo xiray xerada Jazeera ee magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan DFKM kuwaas oo gaaraya 600 askari waxayna  tababarka ku soo qaateen dalka Ugandha  waxaana xaflada xiritaanka ka soo soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan DFKM.

Ciidamada maanta loo soo xiray tababarka ayaa waxay soo bandhigeen dhoolatus kala duwan waxaana hadal kooban u jeediyey Taliyaha ciidamada xooga DFKM Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini wuxuuna ku booriyey in ay ka qeyb qaataan una diyaargaroobaan difaaca dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise ayaa lagu soo dhaweeyey cod baahiyaha waxuuna ugu baaqay ciidanka maanta loo soo xiray tababarka in ay noqdaan ciidan qaran .

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa Khaliif Ciise Mudan oo ah wasiirka amniga Maamulka Puntland wuxuuna ka codsaday ciidanka kuwo daacad u ah dalka iyo dadka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online