Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Xudur ee gobalka Bakool

August 16, 2012 - Written by

Baydhabo:-Dagaal culus oo aan waxba la iskula harin ayaa xalay waxaa uu ka dhacay degmada Xudur ka dib markii ay weerar culus ku soo qaadeen degmada Xudur ciidamada Al-Shabaab waxaana dagaalka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka xalay ayaa socday mudo ku dhow labada saacadood waxaana uu dagaalka ku fiday gudaha degmada Xudur sida ay goobjoogayaal ku sugan Xudur ay u sheegeen warbaahinta ka madax banaan labada dhinac ee xalay ku dagaalamay Degmada Xudur.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Maxamuud Cabdi Nuur oo ku sugan degmada Ceelbarde ayaa ku faanay in ay dagaalkii xalay guul ka gaareen ayna iska difaaceen weerar balaaran oo ay soo qaadeen ciidamada Al-Shabaab.

Dhanka kale Sarkaal u hadlay ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in xalay ay la wareegeen degmada Xudur khasaaro badana ay gaarsiiyeen ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya.

Dagaal socday muddo ka badan 3saacadood ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Fax-Faxdhuun ee gobolka Gedo waxaana dagaalka qaaday ciidamada Al-Shabaab oo ku suganaa meel aan sidaa uga fogeyn   deegaanka Fax-Faxdhuun .

Afhayeen u hadalay ciidamada DFKM oo lagu magacaabo Col. Warfaa Sheekh Aadan ayaa u sheegay idaacad VOA-da in dagaalka ka dhacay Fax-Faxdhuun uu ahaa weerar qorsheysan oo ay soo qaadeen Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay iska difaaceen khasaarana u geysteen.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online