Diyaarado dagaal oo laga lahaa dalka Uganda oo burburkoodii laga hellay Dalka Kenya

August 14, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta mar kale ay saraakiil ka tirsam ciidanka dalka Kenya ay saxaafada u sheegeen in la helay labo  diyaaradood oo la waayey maalintii Axad iyagoo diyaaradahaas dagaalka laga lahaa  dalka Ugandha u jeedadooduna ay ahayd in ay weeraro dhinac cirka ah ku qaadaan magaalada xeebta ah ee Kismaayo iyo degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose oo ay weli gacanta ku ahayaan ururka Al-shabaab.

Diyaaradaan ayaa waxaa ay maalintii Axad ka  soo duuleen Garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Ugandha waxaan ay doonayeen in xoojiyaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya ayaa xusay in diyaaradaha la helay iyagoo gubtay wallow warar is khilaafsan ka soo baxayaan in ciidankii saarnaa in la badbaadiyey iyo in ay dhinteen dhamaantood.

Afhayeenka Ciidanka dalka Kenya Bogta Ongeri ayaa saxaafada u sheegay in la helay burburka diyaaradaha , isagoo sheegay in burburka diyaaradahaan laga helay buuraha la yiraahdo Mount Kenya .

Ilaa shalay ayaa saxaafada dalka Kenya iyo Uganda waxaa ay qoreen in la hellay diyaaradaha iyagoo aan sheegin in diyaaraduhu burbureen iyo in kale , warar hordhac oo soo baxay ayaa sheegay in ilaa 8 askari oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha burburay la soo badbaadiyey loona duuliyey isbitaal Milateri oo ay leeyihiin ciidanka dalka Kenya.

Diyaaradaha ayaa ahaa ilaa 4 diyaaradood sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Milatareiga dalka Ugandha   ilaa hadda lama shaacin sababaha ay u burbureen.

Wixii war ah oo ku soo kordha diyaaradaha la hellay dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa

 

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online