Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si toos uga socda Akadeemiyada General Kaahiye

August 28, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa si toos ah u socota wareega koowaad ee codaynta doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka, codaynta ayaa waxaa saaka ka qayb qaadanaya ilaa  228-ka mid ah oo iyagu loo dhaariyey ka mid noqoshada Golaha Baarlamaanka ee lagu asteeyey in uu jiro mudo 4 sanno ah. Xilibaano lagu balansanaaa in saaka la dhaariyo ama ay ku soo biiraan Golaha Baarlamaanka ayaan iyagu weli qayb ka ahayn codaynta socota waxaan xilibaanda laga reebay liiska waxaa ay gaarayaan ilaa 20 xilibaan.

Kulanka mudaneyaasha baarlamanka oo waxaa uu ka dhacayaa Akadeemiyada General Kaahiye waxaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka u tartamaya  ilaa 5 xilibaan oo kala ah Dr Cali Khaliif Galeyr, Prof Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari, C/rashiid Maxamed Xidig iyo Maxamed Rashiid, Xassan Abshir Faarax. Waxaa kale  oo kulanka lagu dooranayo guddoomiyaha Baarlamaanka DFS ka qayb galaya xubno ka tirsan beesha caalamka wakiilo kale duwan oo ka socda  Qaramada Midoobey ,Midowga Yurub ,Midowga Afrika iyo urur goboleed IGAD.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey waxaan saaka la arkayey ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo baaraya dad weynaha iyo gaadiidka, ilaa hadda lama saadaalin karo cid ku soo baxaysa guddoomiyaha baarlamaanka DFS oo siyaasiyiintu ay aad ugu tartama yaan walow beesha caalamku ay u astaysay qofka noqonay guddoomiyaha Baarlamaanka , Madaxweynaha iyo weliba Ra’iisul wasaaraha sidda dad badan oo soomali ah ay qabanaa.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online