Faahfaahin Duqeyn caawa loo geystay magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose

August 11, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in duqeyntii caawa ka dhacday magaalada ay geysatay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac Halgan.net oo xiriiro kala duwan la sameeysay magaalada Kismaayo ayaa waxaa naloo xaqiijiyey ilaa 3 gantaal  laga soo ganey Markab aad ugu soo dhawaaday maanta xeebta magaalada Kismaayo.

Duqeynta caawa ayaa waxaa ku dhintay sida uu noo xaqiijiyey dhaqtar ka shaqeeya isbitaalka magaalada Kismaayo 3 caruur ah oo uu gurigooda ku habsaday Gantaal.

Waxaa kale oo duqeyntii caawa ku dhintay qof dumar ah oo uu haleelay gurigeeda Gantaal ,ciidamada Al-Shabaab ayaa madaafiic iyo guriga Zuuga ku riday markiibta Gantaalada ku ridaysa magaalada Kismaayo.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan waloow ay shacabka ka welwel qabaan Gantaalada ay ciidamada Shisheeye ay ku xasuuqayaan shacabka muslinka ah ee Degan magaalada Kismaayo.

Ciidanka Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku jira heegankii ugu sareeyey iyaga oo ciidamo geeyey furimaha dagaalka oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Kenya oo baritaaraya ciidamada DFKM iyo kuwa Raaskambooni.

A/Cawale
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online