Faahfaahin Labo Qarax oo goordhow ka dhacay Agagarka xarunta Iskool Boolisiya

August 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Warar dheeraad ah oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba qarax oo is miidaamin ah ay ka dhaceen  Agagarka xarunta uu ka socdo shirka ansixinta Dastuurka cusub oo ay yeelaneyso dowlada Soomaaliya .

Labada qarax ayaa waxaa ay ka dhaceen afka hore ee laga galo xarunta Iskool Boolisiya waxaana laba qarax fuliyey labo ruux oo ay ku xirnaayeen walxaha qarxa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DFKM

Laba ruux ee is qarxiyey ayaa isku dayey in ay gudaha u galaan xarunta Iskool Boolisiya oo uu ka socdo shirka lagu ansaxinayo Dastuurka balse waxaa istaajiyey askar ka tirsan DFKM kuwaas oo ku sugnaa afafka hore ee xarunta .

5 ka mid ah askarta ciidamada DFKM ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaaray dhaawac sida lagu helayo warar hordhac ah mana jiraan khasaaro soo gaaray Ergada ansaxineysa Dastuurka Cusub sida aan ku helnay warar hordhac ah .

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DFKM Cabdisamad Macallin Maxamuud oo goobta qaraxa uu ka dhacay ka hadlay ayaa sheegay in laba ruux ay is qarxiyeen markii ay joojiyeen askar ka tirsan DFKM wuxuuna sheegay in ay weerarka saaka uu fashilmay.

Dhanka kale Khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada nabad sugida ee gobolka Banaadir ayaa  goowdhow tagay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa wuxuu ku faanay  inay fashiliyeen weerarkii maanta isaga oo saxaafada u soo bandhigay ,kaarar iyo ducumiintiyo uu ku sheegay inay dhalinyarada is qarxisay ay rabeen  inay ku galaan xarunta shirka uu ka socdo.

Ururka Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyey in uu ka danbeeyey labada qarax ee saaka ka dhacay afafka hore ee xaruntii hore ee Iskool Boolisiya balse ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo arinkaas ka hadlay.

Wariye ku sugan xarunta uu shirka ka dhacyo oo ay la hadashay Halgan.net ayaa sheegay in askar gaareysa ilaa 5 askari oo dhaawac ah uu indhihiisa ku arkay wuxuuna noo xaqiijiyey in shirka uu socdo lana soo afmeeri doono maalinta birito ah.

Wixii faahfaahin kale ah ee na soo gaara kala soco Halgan.net

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online