Fatwo ay Culimo Soomaaliyeed kaga digayaan Manhajka Xassaan Xuseen oo Halgan.net soo gaartay.[Akhriso]

August 2, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta soo gaaray Halgan.net nuqul Fatwo ah oo ay culimo Soomaaliyeed ay kaga digayaan Manhajka Xassaan Xuseen ee Takfiiriga ah Nuqulka Fatwadaan oo ay ku saxiixan yihiin culimo  Soomaaliyeed oo caan ka ah dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibadiisa ayaa soo baxday ka dib markii qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka dhigta Jaamacaadka Islaamiga ah ay su,aalo ka wiidiiyeen culimada Manhajka Xassaan Xuseen  iyo Aqwaal uu ku khilaafay Manhajkii Ahlusunaha.

Fatwo ay Culimo Soomaaliyeed kaga digayaan Manhajka Xassaan Xuseen oo Halgan.net soo gaartay ayaa ku soo beegmaysa xili uu Xassaan Xuseen uu muxaadaraad uu qabtay maalmo ka hor uu ku adkeystay in Jamaacada Ictismaa Bil Kitaabi wasunaha ay yihiin Gaalo kuna xukumay koox ridowday , Jamaacada Ictismaa Bilkitaabi Wasunaha [Ex-Itixaad islaami] ayaa ah urur islaami ah oo ay inta badan culimada Soomaaliyeed ee Salafiga ah ay ka mid yihiin.

Halkaan ka akhriso Fatwo ay Culimo Soomaaliyeed kaga digayaan Manhajka Xassaan Xuseen oo Halgan.net soo gaartay

Halkaan ka akhriso Fatwada culimo soomaaliyeed ay uga digayaan Xassaan Xuseen oo Carabi ku qoran PDF

Halkaan ka akhriso Fatwada culimo soomaaliyeed ay uga digayaan Xassaan Xuseen oo Carabi ku qoran Word

 Halgan.net

23 Comments so far

Leave a comment

  1. asc.waxaan aad iyo aad ugufaraxsanahay sida culimada soomaliyeed ugu heeganyihiin cadanynta manhajka saxdaa unadifaacayaaan xassn xusen waxaan aan leeyahay illaahay kabaq wax intaa kabada mamagaranayoo

  2. Asc wr wb …. Alfirqa alxassaaniyyah … nashatuhaa wa tadawwuruhaa wa aham muctaqadaatihaa .. risaala maajerteer … jaamicat……

    Dhab ahaanti kaftanka kadib …Xassaan xiniinyo ha iska raadiyo, yuusanna ictisaam wadaadadahan masaakiinta ah yuusan ku meermeeraysan … ha yiraahdo IKHWAANUL MUSLIMIIN WAA JAMEECO MURTADDA AH … SALAFIYA JADIIDA WAA MURTADIINTA CULIMADA SUCUUDIGA IYO IBNU BAAZ IYO CUTHAYMIIN IYO HAYAT KIBAARIL CULAMAA WAA MURTADIINTA

    KU YI CUMAR FAARUUQ HADAAN OGAAN LAHAA IN MASKAXDIISA JOOGTO WAAN GAALAYSIIN LAHAA …. YAA MAQLAY SHEEKH CUMAR FAARUUQ BAA WAASHAY ….

    NINKAAN WARKIIISA MA DHOWA JARAN JARO UU SAARAN YAHAY ..KAASOO MACALIN UU UGU YAHAY ABUU MUXAMMAD ALMAQDISI

  3. Asc

    Walaal C/saahi anas aad ayaad ugu mahadsan tahay codsiga aad ka soo jawaabtay dhamaan culimadna allaah ha xifdiyo umdana kuwii diintood ku toosa allaah hanaga yeelo.

  4. Ascw
    Waxaa aad u haboon in daba gal xeel dheer lagu sameeyo qoraaladiisa iyo cajaladaha uu duubay oo dhan Ilaahay SW
    Ayaa ku mahadsan in ninkaas uu ceebtiisa banaanka keenay xili wanaagsana lagu baraarugay diin daradiisa sidaas darteed waa waajib Diini ah in umada iyo diinta laga gaaro intaysan fitnadiisu aad u faafin

  5. Salaamu Calaykum ikhwani

    Aad iyo aad bay u mahadsan yihiin culumada fatwada soo saartay iyo Maamulka Halgan.net ee khayrka na soo gaarsiiyey sida ay sheegeen walaalahii hore baan ku raacsanahay fatwada wey daahaday balse waa ok aniga koley cajaladaha Xasaan waa dhageysan jiray balse maanta baa iigu danbeysa hadii ay culumadii saxwada ee salafka ee Soomaaliya aan ku aqaanay ay ka digeen tusaale ahaan Sheekh Daahir Aw cabdi waxaan kutubtiisa dhageysan jiray sideetamaadkii Masaajidkii Ceelhindi marka xasaan oo dhalinyaro ah oon hada bartay raaci mayo culumada ba la igu ogyahay

    wasaalamu calaykum

  6. maansha alaah alaah ayaa amaan mudan noo diyaariyay culimo markasta naga ilaalisa inxiraafka iyo fikirka qaldan ee markasta lasoo dhex galinayo diinta waxaan umalaynayaa in uu wadaadkan xassaan lagu sheegay maanta u ambabaxayo meesha ugu dhaw ee ay khawaaarij jooghto ilayn marlay way uyeedhayaan si ay ugu nusreeyaane way uga dhamaatay wadamada ay kunoolyihiin culumada cilmiga ilaahay siiyay allaw isagana soo hanuuni oo xaqa kusoo celi anagana nagu sug

  7. waa arin wanaagsan in qofki qaldan lagadiga

  8. شيء طيب وأنا استبعد أن يكون الشيخ حسان فهم حقا لم يفهم هؤلاء العلماء جميعا

  9. asc w w
    ad iyo ad ban ugu mahad celinaya culimadena ala haiska daye (qul ja’a alxqu wazahaqa albadilu ina albadila kaana zahuuqaa)
    waxan kalooumahad celinayaa bahwaynata halgan.net

  10. Asc muwaxidiinta…..fatwadaan aad baan ugu faraxsanahay walaahi….alxamdulilah…xaqii baa dilaacey..

  11. asc wr wb dhamaan wallalaha waxaan si aad ugu mahad celinayaa wallaalaha webka qore ee halgan.net waxaana leeyahay illaahay ajar aan lasoo koobi karin ha idinka siiyo soo gudbinta xaqa iyo ka hortaga baadil aad kula jirtaan waxaa kaloo aad ugu duceynayaa culumada rabaaniyiinta somaliya ee fatwada qiimaha badan ka soo saaray ninkaan ku gallaangashay sharafta iyo qiimaha culumada soomaliyeed iyo dhamaan shacabka muslimka ah ee somaliyeed kuna tilmaamay gaalo ay banaantahay dhiigooda una fatwooday kooxda jid iyo jiha diidka juhalada ah ee somaliya ku riday jahwareerka waxaan illahay weydiisaneenaa inuu xaqa nagu sugo naguna dila nagana yeelo ku wii xaqa maqla qaatana culumadana illahay cilmigooda iyo cumrigooda ha ubarakeeyo balaayadana allaha ka xafido shartooda ammiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin wcs

  12. Ascw.allahu akbar jazaakumu allahu khayran culimadda allah habarakeeyo. Sh Xasaana rabigeen hatoosiyo wuxuu khaldayo ee faraha badan.walaalayaal waxaan kutalin alahaa yaan cidna lacaayin. Cayduna waa wax xun. waxaa ilaah mahadii ah inaan sheekh xasaan cidna diinta kasaari karin, waayo diinta illah baa inoohayee xasaan inooma hayo. Dadbadan baa laynagu dhexdarsadey,sidaas yaala moogaanin, Ilaahow na badbaadi

  13. Ninku wuxu leyahay in dad lagu asiibo cala jahlin way banantahay sida inad kafirsanin markad waxgaleysiineyso ilah wuxu aayad kulehay warka cadeysta intiina dadjahilnimo ku asiibin wa manhajku sh.cumarfaruq kutagfiiriyay

  14. Qaar ka mid ah ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda
    islaamiga ah ee Al-madiina ayaa su,aal ay soo waydiiyeen culimada
    soomaaliyeed ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ku saab sanayd
    manhajka uu aaminsanyahay Xassaan Xusseen ayaa waxa ay u qornayd
    sidan .
    إن الحمد هلل نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ باهلل من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها
    من يهده هللا فا مضل له ومن يضلل فا هادي له وأشهد أن ا إله إا هللا وحده ا شريك له وأشهد أن
    محمدا عبده ورسوله وبعد:
    Hordhac:
    Xilli kasta waxa uu allaah u doortay diintan culimo caadiliin ah oo ka ilaalisa
    marin habaabinta kuwa xadgudbsan,iyo been abuurka kuwa baadilka ku
    sugan iyo qaloocinta kuwa jaahiliinta ah, sidoo kale waxaa allaah ina faray
    in aynu culimada u celino wixii ku saabsan arimaha Diinta sida Allaah uu
    maxaa yeelay culimadu waa halka ay )فاسألوا أهل الذكر إن كنتم ا تعلمون ) yidhi
    ummaddu u cararto waqtiyada fitanku dhacaan xaqqa iyo baadilkuna is
    dhex galaan.
    Sidaa daraadeed haddii aanu nahay ardayda wax ka barata jaamaccadda
    islaamiga ah ee Al-madiina , anaga oo culimadayada soomaaliyeed u hayna
    ixtiraam iyo jacayl aan la sifayn karin diintuna ay ina farayso in la jeclaado
    oo la ixtiraamo kuwa allaah ku nooleeyay manhajka salafka , sababna uu
    uga dhigay inay ku hanuunaan dad aan tiradooda la soo koobi karin, allaah
    waxaan u waydiinaynaa in uu khayr kaga abaal mariyo culimadeena
    dadaalka dacwadeed ee ay ummadooda u hayaan
    Su,aasha:????
    Culimadayada sharafta mudan: waxa aan idinka qarsoonayn waxyaabaha
    uu Xassaan Xuseen ku faafiyo muxaadaraadkiisa iyo duruustiisa kuwaas oo
    meel ka dhac ku ah culimada iyo ardayda soomaaliyeed ee cilmiga diinta ku Halgan.net
    hawlan ,Ummaddooduna uga markhaati kacday khayr iyo wanaag, ilaa xad
    uu gaadhay arinkiisu in uu si badheedh ah ula jahro gaalaysiinta culimada
    ka dib markii uu soo dhameeyay dhaleecayntooda iyo caydooda kuna
    xukumay fisqi iyo inay yihiin )سوء أحبار أو سوء علماء( .(culimo xunxun)
    Qaar ka mid ah cajaladihiisa waxa uu ku yidhi: ( Jamaacada Al-Ictisaam
    agtayda waxa ay ka yihiin koox gaalo ah oo diinta ka ridawday , waxaana
    loola macaamilayaa sida dadka ridooba), waxa uu ula jeedaa hadalkan
    jamaacada la yidhaahdo Al-Ictisaam Bilkitaabi Wasunnah oo ay ka mid
    yihiin badanka culimada salafiyiinta ah ee soomaaliya, sidoo kale waxa uu
    ku sheegay cajaladihiisii ugu dambeeyay in lagula dagaalamo oo lagu laayo
    . )في الحل والحرم(culimadaas meel kasta
    Qaar ka mid ah cajaladihiisa Waxa uu ku dooday inuu banaanyahay dilka
    qof caalim ah haddii fasaadkiisa lagu joojinayo in la dilo , waxaana uu
    sheegay in ka wax dilay mujaahid yahay ka la dilayna shahiid yahay ( يكون(
    !!!!قاتله مجاهدا والمقتول شهيدا
    waxa uu gaalaysiiyay cid kasta oo ku hoos nool goobaha ay ka taliyaan
    maamulada riddoobay – waa sida uu hadalka u dhigaye- tusaale ahaan
    goobaha uu ka taliyo sheekh shariif, madaxwaynaha dawladda ku
    meelgaadhka ah, maamullada Puntland,S/land,iyo soomaali galbeed
    xukunkaasna kuma kala saarin haba yaraatee ruux caalim ah iyo mid
    caammi ah toonna , ha aaminsanaado waxa ay aaminsanyhiin maamulada
    uu gaalaysiiyay ama yaanu aaminsanaane –waa sida uu sheegtaye.
    Hadaba su,aashayadu waxa ay tahay:
     Muxuu yahay manhajka ninkaasi?
     Waa maxay mawqifka sharcigu ka qabo?
     Waa maxay xukunka in la dhegaysto cajaladihiisa iyo duruustiisa? Halgan.net
    Jawaabta Culimada:
    بسم هللا الرحمن الرحيم، الحمد هلل ، والصاة والسام على رسول هللا ، وعلى آله وأصحابه أجمعين ،
    وبعد
    Culimadu waxay in badan u kuur galeen waxyaabaha ka soo fulay ninkaa la
    sheegay kuwaas oo isugu jira masaa,il iyo fataawooyin xag jira iyo weliba
    arimo kale oo munkar ah ayna ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:
    1. wuxuu gaalaysiiay si aan kala reebis lahayn qabaa,il soomaaliyeed isaga
    oo magacyadooda ku sheegay cajaladihiisa
    2. wuxuu gaalaysiiyay dhamaan muslimiinta ku nool goobaha ay ka
    taliyaan xukuumadaha uu ku tilmaamay inay diinta ka riddoobeen
    3. wuxuu baneeyay dhiiga culimada ku khilaafsan ra,yigiisa gaalaysiinta
    iyo fahamka jihaadka isaga oo xujjo ka dhiganaya in fasaadkooda la
    horistaagayo
    4. wuxuu ku gaalaysiiyay culimada iyo ducaadda qaar ka mid ah
    jamaacaadka islaamiga ah arimo ismoodsiis iyo male awaal ah
    5. wuxuu booriyay gaalaysiinta dadka iyo fududaynteeda ,iyo weliba in
    albaabkeeda loo furo guud ahaan ardayda iyo dadwaynaha kaleba
    arinkaas oo ay ka dhalatay in lagu ciyaaro xaqqa laguna dhiirado
    khalqiga.
    6. wuxuu booriyay dilka culimada iyo ducaadda khilaafsan ra,yigiisa
    meelkasta oo ay joogaan.
    7. wuxuu caadaystay cayda iyo aflagaadada culimada iyo ducaadda iyaga
    oo uu ku tilmaamayo inay yihiin jawaasiis iyo adeegayaal shisheeye.
    8. wuxuu ku caanbaxay ku ciyaaridda aqwaasha culimada sida in wax laga
    jaro hadalkooda ama lagu siyaadiyo ,la kala hor mariyo ama la kala dib
    dhigo laguna masabido culimada wax aanay sheegin. Halgan.net
    Ka dib markii ay culimadu baadhis xeel dheer ku sameeyeen manhajka
    ninkaas magaciisu kor ku xusan yahay gaar haan masaa,ilka ( األسماء
    واألحكام) waxaa u cadaatay in manhajkiisu yahay manhajka khawaarijta
    fogaatay ee xadka ka talawday kuwaas oo wax ku gaalaysiiya waxaan
    gaalnimo ahayn, isla mar ahaantaana aan raacin dabarada (
    dawaabidda) sharcigu u dejiyay gaalaysiinta iyo waxa lagu gaaloobo,
    fududaystana dhiigga iyo xurumaadka kale ee muslimiinta iyo
    culimadooda.
    Ninkani waxa uu ka mid yahay kuwa sunnada ka baxay khilaafka uu
    khilaafay daraadii iyo ka bixitaanka uu dibada uga baxay, sidoo kale
    waxa uu ka mid yahay kuwa ummadda ku baxay gaalaysiin tooda iyo
    banaysiga dhiigooda daraadeed sida ku sugan xadiiska muslim weriyay :
    ).. ومن خرج على أمتي يقتل برها وفاجرها ، وا يتحاشى من مؤمنها ، وا يفي لذي عهد عهده،
    فليس مني ولست منه.(
    Qofkii ku baxa ummaddeyda oo oo dila midkeeda wanaagsan iyo keeda
    xunba, isaga oo aan ka dhowrsaneynin mu’minkeeda, mid ballan lahaana
    aan ballantiisii u oofinineynin, iga mid ma aha aniguna ka mid ma ihi.
    قال شيخ اإلسام ابن تيمية-رحمه هللا- : والخوارج هم أول من ر
    كف المسلمين،يكفرون بالذنوب ّ
    ،ويكفرون من خالفهم في بدعتهم، ويستحلون دمه وماله”)مجموع الفتاوى972/3(
    Sheekhul islaam ibnu taymiyah alle ha u naxariistee wuxuu yidhi:
    khawaarijtu waa dadkii ugu horreeyay ee muslimiinta gaalaysiiya, waxay
    dadka ku gaaleysiiyaan danbiyada, waxaa kale oo ay gaaleysiiyaan ciddii
    bidcadooda ku khilaafta, waxayna banneystaan dhiiggeeda.
    فر أهل القبلة بالذنوب ، بل بما يرونه من الذنوب، واستحلوا دماء اهل
    وقال ايضا : ” وهم أول من كّ
    القبلة بذلك “)مجموع الفتاوى184/7(
    Sidoo kale wuxuu yidhi khawaarijtu waa kooxdii ugu horreysay ee dadka
    qiblada u tukada danbiyo ku gaaleysiiyay,ama wax ay iyagu danbi u arkaan
    ku gaalaysiiyay, dhiiggoodana sidaas ku banneystay.
    وقال أيضا : ولهم خاصتان مشهورتان فارقوا بهما جماعة المسلمين وأئمتهم :
    أحدهما : خروجهم عن السنة وجعلهم ما ليس بسيئة سيئة، أو ما ليس بحسنة حسنة، وهذا الذي أظهروه
    في وجه النبي صلى هللا عليه وسلم حيث قال له ذو الخويصرة التميمي : اعدل فإنك لم تعدل .. . Halgan.net
    الثاني : أنهم يكفرون بالذنوب والسيئات، ويترتب على تكفيرهم بالذنوب استحال دماء المسلمين
    وأموالهم ، و أن دار اإلسام دار حرب ، و دارهم دار إيمان ” ) مجموع الفتاوى79/42(.
    Sidoo kale wuxuu yidhi: khawaarijtu waxay leeyihiin labo arrimood oo ay
    gaar la yihiin oo ay kaga bexeen jamaacada muslimiinta iyo madaxdoodaba:
    1. waxay ka bexeen sunnadii iyaga oo wax aan danbi aheyn danbi ka dhigay,
    ama wax aan wanaag aheyn wanaag ka dhigay, arrinkaasina waa midkii ay
    nabiga ula badheedheen, markii uu dulkhuweysira al tamiimi ku yidhi : (
    caddaalad samee caddaalad maadan sameynine)…
    2. waxay wax ku gaaleysiiyaan danbiyada iyo gafafka, waxayna arrintaas ka
    dhaliyaan inay banneystaan dhiigga muslimiinta iyo xoolohoodaba, iyo in
    daarta islaamku tahay daar xarbi ( dagaal) daartooduna ay tahay daar
    iimaan ( nabad galyo)
    وقال عنهم أيضا :” .. فإنهم يعتقدون رأيا هو خطأ وبدعة ويقاتلون الناس عليه، بل يكفرون من خالفهم
    ، فيصيرون مخطئين في رأيهم ،وفي قتال من خالفهم أو تكفيرهم ولعنهم ، وهذه حال عامة أهل
    األهواء كالجهمية … إلى قوله : والخوارج المارقون أئمة هؤاء في تكفير أهل السنة والجماعة وفي
    قتالهم “)منهاج السنة 635/1( .
    Waxaa kale oo uu yidhi : waxay caqiideysanyihiin aragti khaldan iyo bidco,
    haddana dadka ayey kula dagaalamayaan, waliba waxey gaaleysiinayaan
    ciddii khilaafta, sidaa daraadeed caqiidadoodu waa khalad waxaa kale oo ay
    ku khaldanyihiin in ay la dagaalamaan ciddii khilaafta, iyo inay gaaleysiiyaan
    ama lacnadaan, arrintaasna waxaa lagu yaqaannaa dhammaanba dadka
    hawa raaca ah sida jahmiyada…. Ilaa uu ka yidhi: khawaarijta diinta ka dhex
    baxday ayaa kuwaas madax ugu ah gaaleysinta ahlu sunnaha iyo la
    dagaalankoodaba.
    وقد ذكر شيخ اإلسام أيضا أن تسليط العوام – كما يصنع المذكور– على تكفير العلماء من أصول
    الخوارج فقال بعد كام )الفتاوى الكبرى )176/3(:”… ثم هو مع هذا بين أن علماء المسلمين
    المتكلمين في الدنيا باجتهادهم ا يجوز تكفير أحدهم بمجرد خطأ أخطأه في كامه، وهذا كام حسن
    تجب موافقته عليه؛ فإن تسليط الجهال على تكفير علماء المسلمين من أعظم المنكرات؛ وإنما أصل
    هذا من الخوارج والروافض الذين يكفرون أئمة المسلمين؛ لما يعتقدون أنهم أخطئوا فيه من الدين، وقد
    اتفق أهل السنة والجماعة على أن علماء المسلمين؛ ا يجوز تكفيرهم بمجرد الخطأ المحض … اهـ.
    Mar kale waxa uu sheekhu sheegay: in caammada oo lagu sallido
    gaaleysiinta culimada – waa sida uu yeelo ninka la soo sheegaye- ay ka
    mid tahay usuushii khawaarijta, wuxuuna yidhi: haddana waxa uu
    caddeeyay in ayna bannaaneyn in lagu gaaley siiyo culimada muslimiinta Halgan.net
    ee ka hadla arrimaha ijtihaadiga ah, gaf ka dhacay daraaddii,
    hadalkaasina waa hadal wanaagsan oo in lagu raaco ay tahay.
    Maxaa yeelay in dadka jaahiliinta ah lagu sallido culimada gaaleysiin
    tooda waxay ka mid tahay munkaraadka waaweyn,waliba waa asal ka
    mid ah usuusha khawaarijta iyo raafidada ( shiicada) ku gaaleysiiya
    madaxda muslimiinta waxyaabo ay la tahay in ay ku gafeen oo diinta ka
    mid ah, ahlusunnuhuna waxay isku waafaqsanyihiin in aanay
    bannaaneyn in culimada muslimiinta lagu gaaleysiiyo gaf kaliya.
    Sidaa daraadeed culimada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxa ay
    cadaynayaan iyaga oo arrintaas uga jeeda u naseexaynta ummadooda
    ah iyo ilaalinta diinta arrimahan soo socda:
    1- manhajka ninka magaciisu kor ku xusan yahay waa manhajkii
    khawaarijta ee kulminayay in diinta iyo aduunkuba fasahaadaan
    ,waxaana waajib ah in laga digo
    2- ma banana in la cuskado waxyaabaha uu culimada ka soo guurinayo
    ilaa laga hubiyo masaadirteeda asliga ah , maxaa yeelay amaano ma
    laha lagumana kalsoonaan karo.
    3- Ma banana in laga ganacsado cajaladihiisa iyo kutubtiisa xambaarsan
    masaa,ilka iyo aqwaasha munkarka ah ee la soo sheegay
    4- Sharci ahaan uma banana ardayda yaryar iyo dadka caammada ah
    inay dhagaystaan duruustiisa iyo cajaladihiisa iyo inay akhristaan
    qoraaadiisa toona, sidoo kale waxaan banaanayn in masaajidda
    muslimiinta gacanta loo geliyo ama loo fasaxo si aanu dadka
    muslimiinta ah caqiidadooda uga fasahaadin.
    5- Culimadu waxay dusha ka saarayaan ninka la soo sheegay inuu
    mas,uul ka yahay in badan oo ka mid ah waxyaabaha soomaaliya ka
    dhacaya ee ay ka midka yihiin dilka culimada iyo dadka aan waxba
    gaysan sababna waxaa u ah in arimahaasi dhacaan fataawihiisa
    guracan ee xaqqa baalmarsan.
    6- Culimadu waxay ugu naseexaynaysaa ninkaas in uu ilaahay u toobad
    keeno oo ka gaabsado gaalaysiinta muslimiinta iyo banaynta
    dhiigooda, sidoo kale culimadu waxay ugu naseexaynayaan
    qaraabada iyo ehelka ninkaas inay gacmihiisa qabtaan oo ka celiyaan
    dhibaatada uu umadda muslimiinta ku hayo. Halgan.net
    Arimahaas oo dhamina waxay ka mid yihiin oo soo guda gelayaan hadalka
    alle iyo rasuulkiisa ee ahaa.
    وتعاونوا على البر والتقوى وا تعاونوا على اإلثم والعدوان، وقوله، صلى هللا عليه وسلم: انصر أخاك
    ظالما أو مظلوما ، قالوا : هذا المظلوم ، فما بال الظالم ؟ قال : تحجزه عن الظلم . وقوله، صلى هللا
    عليه وسلم : الدين النصيحة . قلنا لمن ؟ قل : هلل ولكتابه ولرسوله وألئمة المسلمين وعامتهم .
    وصلى هللا وسلم على نبينا محمد وعلى آله وأصحابه ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدين
    Magacyada Culimada saxiixay:
    1. sh. Maxamed cabdi Umal
    2. sh.C/raxmaan maxamed Qayliye
    3. sh. Cali Warsame xasan
    4. sh Maxamuud Ciise Maxamuud
    5. sh. C/qaadir Nuur faarax
    6. sh. Yuusuf Aadam Muxamad
    7. sh. Daahir aw cabdi yuusf
    8. sh. Axmad daahir xasan xuseen
    9. sh. C/raxmaan Sheekh Cumar
    10.sh. C/naasir xaaji Axmad
    11.sh. Maxamuud sh.Maxamed Shibli
    12.sh. Muxamad Idiriis Axmed
    13.sh. C/laahi Sheekh Nuur
    14.sh. Maxamuud Xaaji yuusuf
    15.sh.Axmad maxamed Sulaymaan
    16.sh.C/laahi daahir Jaamac (baashe)
    17.sh. Maxamuud Sh. Axmed Xasan ( Ubuu shayba)
    18.sh. C/raxmaan Maxamed Cilmi (Abyad)
    19.Dr.C/rasaaq maxamuud takar
    20.Dr.maxamuud C/raxmaan Maxamed (Hoori)
    21.Dr.C/raxmaan sh.C/laahi Cumar
    22.Dr.C/laahi Xasan Ibraahiim
    23.Dr.Haaruun sheekh Xuseen
    24.Dr.Aadam sheekh cali saalax

  15. Asc

    Walalha aad ayan u soo dhoweeyn fatwada waloow culimadu la soo daaheen soo daheen aad ayaan u jeclaan lahaa walaal commentiga noogu soo qora waa ii furmi la yahay fileka fadlan codsigaa iga aqbala.

  16. wallaahi maasha allaah arinkaan aad ayaan oogu farxay waaa soo dhaweenayaa….ninkaan sharkiisa mar hore ayuu ahaa balse haddiba looga digay haddaba wali waa lacayantaa…ilaahay diinteena hanoo iftiimiyo culamdeenana hanoo dhawro aamiin

  17. Salaamu calaykum walaalayaal aniga aad baan u soo dhaweynayaa fatwada runtii waa loo baahnaa ninkaaan wuxuu wareershaa masaakiinta qoxootiga ku ah yurub anaga joogna dhul islaam cudurkiisa waa ka warqabnaa ee dhalinyarada waxaa leeyahay wax barta

  18. maashaa allaah ilaahaw culimada noo xifdi culimada fatwadan kusaxeexani waxa weeyi culimadii dacwada iyo sunada lagu yaqaanay waa culimo ku caan baxday faafinta manhajka saxda ah qunyar aqbali mayno waa murtadiin

  19. salaamu calaykm

    mashalaah walaahi waan arin loo baahnaa ee ha la nashriyo fatwada

  20. sw

    Ramadaan wanaagsan ilaahay culumada khayr ha siiyo waloow ay la daaheen fatwada hadana waa arin loo baahnaa waxaan codsanayaa in cajalada iyo kutubta xasaan la baaro ka dib wixii nusuus ah oo uu gooyey ama been ka sheegay in la soo bandhigo

  21. Salaamulaahi calaykum

    Culumada Soomaaliyaad ee ka qoran Fatwada walaahi waa ragii saxwada u weynaa ee diinta iyo tawxiidka na soo baray balaayadan gadaal ba ka yimaadeen culumada warkooda ha la qaato

    Walaalka iga horeeyey ee Shire khayr alaha ku siiyo hadaad ka hartay kuwan culumada iyo umadiiba gaaleysiinaya

    salaamu calaykum

  22. Salaamu Calaykum
    Waxaan u mahad celinayaa culumada soo saartay Fatwada runtii waxaan qabaa in ay la daaheen ninkan xasaan la dhaho Khaarajinimo wuu dhaafay nin Kenya jooga oo dowlo muxaarib ah hadana aan saa loo eegayn walee shaki weyn baan ka qabaa.

    Walaalha sida aad la socotii Jamaaca Islaamiya musalaxa ee dalka Aljeeriya waxay baa,biyeen oo ay laayeen shacabkii Aljeeriya xitaa caruur iyo dumar bay gowraceen waxaana madax u ahaa nin la yiraahdo (Cantar Al-Zawaabiri) wixi uma uu halaagay maanta waxaa ilaaliya oo uu ku nool yahay qasri ku yaal Aljeeriya dowlada baan ilaalisa bal ka warama Dhalinyaroow indhihiin fura aniga waan ka haray kuwan afka duuban ka dib muxaadaradii Sheekh Maxamed cabdi Umal xafidahulaah

    walaalaha Halgan.net waxaa leeyahay mar walba noo soo gudbiya wixii khayr ah
    wasaalu calaykum

  23. Ilaahay culimadayada hanoo xifdiyo. Waanu naqaanaa culimadayada nin dhalinyara ah oo gaalaysiiyayna iyaga waxba kaqaadi maayo maxaa yeelay culimadan umada Soomaaliyeed qabuul ayay kala kulmeen. Xasaan soomaaha: walaalow khaaliqii ka abuurtay kabaq, oo ummada ha halaagin oo naftaada ha halligin. Dhalinyarada xoogaaga ah ee iyaguna kadsoon yeysan quruur kugalin. Walalow xasaanow maanta waa aduun barina waa aakharo ilaahay kabaq oo hadaladan kanoqo dhalinyartii kugu raacayna maanta oo aduun ah u cadee inaad hadaladaas beri katahay maxaa yeelay barri oo aakhiro ah sorry iyo waan kanoqday wax matarayso. Wabillahi towfiiq

Leave a comment

*