Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka oo diiday in tagaan maxkamadda sare DFS
August 26, 2012 - Written byMuqdisho:-Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka DFS ayaa maanta diiday in ay hor tagaan maxkamadda sare ee DFS ka dib markii xalay uu Madaxweynaha DFS uu codsaday in Maxkamada Sare loo gudbiyey khilaafka ka taagan xubno ay dib u celiyeen gudiga farsamada ee soo xulista Xildhibaanada DFS.
Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka DFS ayaa ku adkeystay celinta ay dib u celiyeen iyaga sheegay in ay soo buuxin waayeen shuruudaha looga mid noqon karo baarlamaanka DFS waxayna si rasmi ah u sheegeen in shaqadooda ay ku egtahay caawa .
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee DFS Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf ayaa saaka codsi u gudbiyey xubnaha guddiga farsamada waxayna kala horyimaadeen diidmo, arinkan ayaa waxaa uu ka dhex abuuray khilaaf Maxkamada Sare ee DFS iyo Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka DFS
Waxaa sidoo kale qaadacay go,aanka Madaxweynaha DFS uu ku dalbaday in Maxkamada sare loo gudbiyo xubnaha la celiyey laba ka mid ah saxiixayaasha Road-mapka kuwaas oo kala ah Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caali iyo wakiilka Ahlusunna iyaga oo ku tilmaamay
codsiga Madaxweynaha DFS Shariif Sh Ahmed mid sharci daro ah.
A/Cawale
Halgan.net