Guddoomiyihii Ganacsatada Suuq Bacaad Saciid Fiidow Rooble oo caawa la dilay

August 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka caawa naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa salaadii maqrib lagu dilay magaalada Muqdisho alaha u naxariistee Guddoomiyihii ganacsatada Suuq Bacaad Saciid Fiidow Rooble xili uu ka baxay Masjidka ku yaal degmada Yaaqshiid  kuna sii jeeday gurigiisa. Gudoomiyihii ganacsatada Suuq Bacaad Saciid Fiidow Rooble ayaa koox hubeysan waxay toogteen wax yar markuu ka soo baxay masjidka waxaana u suurto gashay dableydii dishay in ay goobta ka baxsadaan.

Ciidamo ka tirsan DFKM ayaa soo gaaray goobtii lagu dilay Gudoomiyihii ganacsatada Suuq Bacaad Saciid Fiidow Rooble .mana jiraan cid ilaa hada si rasmi ah u sheegatay dilka Marxuum Saciid Fiidow.

A/Cawale
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. illahey ha uu naxaristo marxunkan ku dhintaay magalaada muqdhisho. sido kale waxaan illahey uu weydineeyna inu janatul fardosa galiyo.amiin ya rabi!!!!!!!!!!!!!!

Leave a comment

*