Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo la hadlay saxaafada

August 13, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey isagoo saxaafada uga waramay xaalada nabadgelyo ee magaalada iyo howl galada ay ciidanku ka wadaan xaafadaha magaalada. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa sheegay in xaalada nabadgelyo ee magaalada ay aad u wanaagsan tahay ciidankuna uu ku guulaystay in ay sugaan amaanka isagoo xusay in magaalada Gaalakcyo laga dareemayo haybad dowlladnimo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey  ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka Boolisku ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan kooxaha burcad badeedka oo dhaawaan soo weeraray Saldhiga magaalada Gaalkacyo kuwaas oo ay ciidanku iska caabiyeen ka dibna ay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah oo  ka mid ahaa kuwii afduubka u geystay shaqaalihii  hay’addii IAS haddana ay ku xiran yihiin Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa waxaa uu amaan gaar ah u soo jeediyey taliyaha ciidanka Booliska Puntlland Col. Muxiyadiin Axmed Nuur  ciidamo dhawaan ka yimid magaalda Garoowe  oo kaalin wax ku oolah ka qaatay sugid amaanka magaalada Gaalakcyo iyagoo ku guulaystay in ay soo qabtaan qaar ka mid h kooxo burcadbadeed ah iyo khamri badan oo lagu gubay duleedka  Magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan maamulka Gobolka iyo ciidanka amaanka ee sugaya nabad gelyada si looga hortago kuwa doonaya in ay haldoorka bulshada ay dilaan geliyaan khalkhal amaanka magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey aya sidoo kale baaq u jeedieyey odayaasha iyo isimada Gobolka Mudug wax uuna ugu baaqay in maamulka Gobolka iyo ciidanka amaanka ay gacan ku siiyaan sugida nabadgelyada iyo in si wada jir ah meel looga soo wadajeesto kuwa ka soo horjeeda danta guud ee ka dhexaysa bulshada reer Gaalkacyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online