Hillary Clinton oo kulan la qaatay 6 Saxiixayaasha Road Map-ka

August 4, 2012 - Written by

Nairobi:-Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa waxaa ay magaalada Nairobi ee caasi mada dalka Kenya ay kulan kula qaadatay hoggaamiyayaasha Soomaalida. Madaxdii ay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maray kanka Hillary Clinton ay la kulantay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed , Raiisul Wasaaraha  DFS Prof C/weli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan , Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole,  Madaxweynaha Gal-Mudug  Col.Maxamed Axmed Caalin iyo ururka Ahlusunah waxaa kale oo kulanka goob  joog ka ahaa xubno ka mid ah beesha caalamka oo taageera dowllad Federaalka Soomaaliya.

Hillary Clinton ayaa sheegtay in dowllad Maraykanka ay dhiiri galinayso horumarka balaaran ee ay ku talaabsadeen Saxiixa yaashii Road Mapka iyagoo ku guulaystay in ay dalka Soomaaliya ka saaraan Ku meel gaarka meel mariyeyna Dastuur ay yeelan doonto dowllada Soomaaliya ay u dhisi doonaa beesha caalmaka iyo dowllada darsika la ah Soomaaliya.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku boorisay madaxda Soomaalida in ay dhamaystiraan Raod mapka iyo dhamaan hishiiyadii ay horay u wada gaareen Madaxda Soomaalida oo ayna goob joog ka ahaayeen Un-ka iyo xubno ka mid ah beesha caalamka oo iyagu loo xil saaray arrimaha dalka Soomaaliya.

Dowllada Maraykan iyo dalalka reer galbeedka ayaa fara gelin toos ah ku haya arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan howl galada iyo taageerada ay ciidanka AMISOM ay ka hellaan Maraykanka iyo EU, dowllada Maraykanka ayaa si cad u sheegtay in ay taageero siinayso ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyagoo siiyey diyaaradaha loo yaqaan   Raven unmanned aircraft oo gaaray ilaa 12 diyaaradood.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online