Kulankii dhex maray Ra’iisul wasaarihii hore DFKM Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM

August 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa galabta kulan gaar ah ku yeeshay Taliska ciidanka AMISOM Musharaxa madaxtinimada dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM Gen. Paul Lokech. Kulankan oo uu codsaday taliyaha ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo la xiriira wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa jawi nabadeed oo lagu soo dabaalo inta laga gud bayo marxaladda kala guurka iyo doorashooyin ka oo ay magaalada ku sugan yihiin musharaxiin fara badan kuwaas oo halgan ugu jira sidii ay uga qeyb gali lahayeen doorashada loo balansan yahay August 20 inay magaalada ka dhacdo.

La-taliyaha Musharaxa madaxtinimada C/llaahi Yuusuf Maxamed oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay kulanka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac AMISOM iyo Musharaxa ay si degan oo ay ku jirto xushmad iyo qadarin ay ugu balan qaadeen wada shaqeyn dhanka ammaanka ah. “Waxay noo sheegeen inay AMISOM ay dhex dhexaad ka tahay xaaladdaha siyaasada dalka iyo ololaha doorashooyin ka” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo xusay in AMISOM ay u balan qaadeen cidii ku guuelysto doorashooyinkan ay la shaqeyn doonaan amaankana sugi doonaan.

Sidoo kale, AMISOM ayaa ka tacsiyeysay dhacdadii shalay ka dhacday fagaaraha Sayidka oo ay kooxoqaswadayaal ah rasaas ku fureen dad weyne muujinayay taageeradooda musharaxa Farmaajo ay u hayaan, wuxuuna u xaqiijiyay in dadkaasi la gartay lana xiray, isla markaana la marsiin doono cadaalada.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Lokech ayaa u balan qaaday Ra’iisul wasaarihii hore DFKM Maxamed C/llaahi Farmaajo in wixii culeysyo amni ah oo soo wajaha ay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan, oo ay ka hortegi doonaan wax kasta oo khal khal amni dhalin kara. Waxay kale oo labada dhinac isku afgarteen haddi culays dinaca amniga soo foodsaaro musharah iyo kambaynkiisa ay diyaar ula yihiin in ay nabad galyadiisa la wareegi doonaan ayuu yiri ugu dambeyntiina C/llaahi Yuusuf Maxamed oo ah La-taliyaha Musharaxa madaxweynaha Mr. Farmaajo.

Kala soo xiriira wixii faah faahin nabaradan hoos ku qoran:
Tei: 00252-61-8156363 00252-61-8700877

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online