Madaxweynaha DFS oo eedeyn u jeediyey gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka

August 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxwaynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed ayaa shalay eedeyn kulul u soo jeediyey gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka  mar uu shalay kulan la yeeshay odayaasha Dhaqanka Soomaliyeed .

Shariif Sheikh Axmed Madaxweynaha DFS ayaa si kulul u weeraray gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka DFS waxaana uu ku  eedeyay in ay ka soo horjeedaan nabada ayna abuurayaan dhibaato hor leh iyaga oo iska horkeenaya ayuu yiri  umada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in aqoonyahanada haatan madaxda u ah gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka in ay ka daran yihiin hogaamiye kooxeedyadii dalka Soomaaliya soo maray wuxuuna sheegay in talada loo dhiibay ay afduubeen.

Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed ayaa sidoo kale ku eedeeyey gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka in ay si qaldan u maamuleen soo xulista xubnaha Baarlamaanka DFS

Gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka  iyo Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed ayaa khilaafkooda wuxuu gaaray meeshii ugu sareysay ka dib markii gudiga ay dib u cesheen xildhibaano aad ugu dhawaa Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online