Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari

August 29, 2012 - Written by

Madaxweynaha DFS Shariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeey guddoonka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo dhinaca kale tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib   ku guuley staan inay baar lamaan ku doortaan waddankooda.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweyne Sheekh Shariif Sh Axmed guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Baarlamaanka, ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay in howl wanaagsan ay qabteen mudaneyaasha Baarlamaanka iyo guddigii doorashada isla markaana la doonayo in howsha dhimman la dhammeystiro.

“Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabaneysa, waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isu dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka jara’id ka hadlay ayaa sheegay in doorashadii dhacday ay ahayd mid taariikhi ah, baarlamaanka cusubna uu yahay mid tayo leh oo wax badan ka qaban doono xaaladaha waddanka ka jira.

no images were found

“Waxaan filayaa baarlamaankani inuu yahay baarlamaan aad u fiican, waxaan hubaa inuu noqon doono mid ku tallaabsada in isbedel uu Soomaliya gaarsiiyo iyo xasilooni siyaasadeed hadduu Alle idmo” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Dhinaca kale madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo AMISOM ugu hambalyeeyay tallaabadii ay maleeshiyaadka Shabaab uga saareen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaano kale, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan.
—— Dhammaad——
— Office of the Somali President Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online