Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole oo u dhoofay dalka Itoobiya

August 27, 2012 - Written by

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay magaalada Garoowe iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Wafdiga Madaxweynaha Puntlland ku weheliyo socdaalkiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntlland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa,Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Dowladda Puntlland Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, xubno sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntlland iyo saraakiil ciidan.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku sii sagootiya ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntlland Gen.Cabdisamada Cali Shire iyo xubno ka tiran 2-da gole ee dowllada Puntlland.

Ilaa hadda ma cada safarka uu Madaxweynaha Dowladda Puntlland ku aaday dalka Itoobiya u jeedadiisa rasamiga ah balse ilo wareed kale duwan ayaa waxaa ay sheegayaan in madax weynuhu uu ka hellay casumaad Ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka Itoobiya  kulamo gaar gaar ahna uu la qaadan doono Safaaradaha reer galbeedka ee safaaradaha ku leh dalka Itoobiya, Masuuliyiin ka tirsan IGAD iyo Maraykanka.

Safarka Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiramaan Faroole ayaa ku soo beegmaya xili maalinti shalay waraysi uu siiyey idaacada BBC-da uu weerar dhinac afka ku qaaday madax da DFS gaar ahaan Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday Sheekh Shariif Sh Axmed isagoo ku eedeeyey in uu ku wada faragelin  gudiga loo xil saaray in ay soo xulaan xilibaanada ka mid noqonay dowllada ay beesha caalamku u dhisi doonto dalka Soomaaliya maalmaha soo socda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online