Madaxweynaha Puntlland iyo Raiisul wasaare Gaas oo ka soo duulay Garoowe kuna sii jeeda Nairobi

August 3, 2012 - Written by

Madaxweynaha dowladd Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaarha dowllada Federaalka Soomaaliay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan ka soo duulay magaalada Garoowe ee caasimada Puntlland, Wafdiga Raiisul wasaaraha dowllada Federalka Soomaali ya ayaa saaka si lama filaan ah u tegay Garoowe iyagoo kulan gaar ah la qaatay Madaxda Puntlland ka dibna ka soo wada ambabaxay magaalada Garoowe iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan Golahiisa wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntlland,  Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa uu casumaad rasmi ah ka hellay Safaarada dalka Maraykan ee Kenya waxaan la filayaa in uu ka qayb geli doono kulan ay madaxda Soomaalida ay la yeelan doonaa xoghayha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka  Hillary Cilinton oo kulan la qaadan doonta  saxiixayaashii Roadmapka.

no images were found

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in xoghayha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka  Hillary Cilinton ay kulan gaar ah ay la qadan doonto saxiixa yaashii Roadmapka  iyadoo kali hadli doonto wax ka qabsoomay hsihiiyadii lagu asteeyey Roadmapka ee ka dhacay  Garoowe 1, Garoowe 2, shirkii Muqdisho , is afgaradkii ka dhacay magaalda Gaalkacyo , shirarkii kale duwanaa ee ka dhacay magaalada Nairobi,Uganda  iyo Addis Abba.

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha dowllada Federalka Soomaliya Sh Shariif Sh Axmed  iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan iyagoo qayb ka ah kulanka maalinta beri ah ay xoghayha arrimaha dibada ee dalka Maraykan ka  Hillary Cilinton la yeelan doono Madaxda Soomaalida.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online