Madaxweyne Shariif Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Meles Zanaawi (Masawiro)

August 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Shacabka Ethiopia, dowladaha Geeska Afrika iyo midowga Afrikaba uga tacsiyeeyay geeridii ku timid R/wasaarihii dalka Ethiopia Meles Zanaawi.“
Waxaan ahayn dad isku fiican oo dhinac wax ka wada arka, in geeska Afrika uu noqdo dhul nabad ah, shucuubta iyo dowladaha geeska Afrikana uu dhex maro xiriir wanaagsan ayuu madaxwene Shariif oo shir jaraa id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjirayaasha dalalka Yurub, Safiirka Mareykanka iyo xubno ka socday Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen xaaladda dalku marayo iyo sidii loo dhammeystiri lahaa hannaanka dowladnimada ee waddanka.

Waxaan ka wada hadleynay hannaankii nabadda iyo halka uu soo gaaray, caqabadaha jira iyo sida horay loogu socon karo iyo mustaqbalka dhow iyo midka fog waxa lagama maarmaanka ah in la qabto, waxaana isla meel dhignay inay lagama maarmaan tahay, in la dardar galiyo hannaankii socday, caqabadaha jirana sida ugu habboon loo xaliyo oo ah in laga wada hadlo mashaakilka jira si loo helo xal lagu wada mideysan yahay.

no images were found

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsanaa wada hadalka ay qeyb ka ahayd liisaska xildhibaanada ee ay soo celiyeen guddiga farsamada iyo xulista baarlamaanka ee TSC-da, isagoo tilmaamay in feker mideysan laga qaatay arrintaas.

Waxaa ugu weynaa waxa aan ka hadlaynay, liisaska taagan ee ay TSC-du soo celiyeen iyo waxa ka dhalan kara iyo sida ay tahay in loo abaaro, aragti mideysan ayaana ka wada qaadanay arritaas.

Dhammyeystirka xildhibaannada baarlamaanka iyo qabashada doorashooyinka afhayeenka iyo ku xigeenadiisa qaabka loo wajahayo ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha uu madaxweynuhu la wadaagay danjirayaasha uu la kulmay oo soo dhaweeyay horumarka muddada sanadka ah dalka ka dhacay iyo howlaha muhiimka ah ee la qabtay, Waxaa sidoo kale kulankaan ka qeyb galay guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya General Muuse Xasan.

Jamhuuriyadda Soomaaliya
Madaxa Xafiiska Madaxweynaha
Agaasinka Warfaafinta

2 Comments so far

Leave a comment

  1. aamiin walaal salman allaa naga qabtay waxaana leenahay jahannamo alla ha kugu fogeeyo.

  2. Malez Ilahay Cadaabta haku fogeeyo, fircoonkii geeska afrika buu ahaa.

Leave a comment

*