Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweyne Shariif oo kulan ku leh Garoonka Aden Cadde

August 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Masuuliyiin ka tirsan beesha caaamka oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kulan deg deg ah oo aan faah faahin laga bixin waxaa ay ugu  yeereen Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Dowllada Federalka Soomaaliya Sh Shariif waxaan uu kulanku uu hadda ka socdaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , xogta laga hellayo kulanka ayaa ah mid kale duwan waxaan la sheegay in ay ugu weyn tahay in Madaxweyne Sh Shariif Sheekh Axmed uusan ku qanacsanayn xilibanaada qaabka loo soo xulay arrinkaas oo ay ku muransan yihiin Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Augtsine Mahiga , Ra’iisul wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali gaas iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed . 

Kulankan waxaa ka qayb galaya wakiilo ka socda dowllada Maraykanka,Midowga Yurub,dalka Turkiga iyo dowllada darsiska la ah Soomaaliya waxaan looga hadlayaa sidii loo soo dhamaystiri lahaa qaabkii ay u dhici doonta doorshada Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenkiisa iyo doorashada Madaxweynaha dowllada Federalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa weli socda wararkeena danbe ayaan idinkugu faahfaahin doonaa wax looga hadlay kulanka u socda Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnaha beesha caalmka ee ku sugan Muqdisho maalmo ka horna soo gaaray magaalada Muqdisho. 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online