Markii ugu horaysay oo Machad cusub oo diini ah laga furay Degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool.[Video+Sawiro]

August 31, 2012 - Written by
Macahadkan oo loogu magacdaray  {Iimaamu Shaafi} ayaa laga hirgaliyay Deegaanka Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool , Machadkaan ayaa waxaa gacan wayn ka geystay Culimada Gobolka Sool iyo dadka deegaanka oo iskaasha naya waxana furitaankiisa ka soo qayb galay dhamaan dadka Deegaanka Yagoori iyo Marti sharafakale oo ka timid Caasimada Gobolka Sool ee Laas caanood.
Ugu hoarayn waxa halkaas ka hadlay Maamulka Degmada Yagooro oo sheegay in deegaan kooda ay ku dambayso barashada diinta islaam ka deegaanada kale waxa uu maayaraka degmadaasi halkaas ka balan qaaday inuu bixin doono dhaqaalaha loo uruurinayo machadka iimaamu shaafic.

no images were found

Waxaa lagu dheeraaday sidii loo caawin lahaa machadka iyo  dhismayaasha cusub ee Machadku yeelanayo waxaa ka mid ahaa dadkii hal kaas ka soo qayb galay Waxaan ka md ahaa Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed Faraaid, Sheekh Yuusuf Haybe,Sh,C\laahi Cali macalin. Sheekh Maxamud Salaad, Oday Ciise Maxamuud Aar, Oday C\laahi Ciise Oog. Oday Magan xaaji warsame Caaqil Aadan C\ Gaas,Oday Yaasiin Maxamed Daad waxaa soo af meeray Sheekh Yuusuf Haybe waxaanu sheekhu ku dheeraaday ahmiyada ay u leedahay ka yagoori ahaan fursada baad haysa taaan baa ka mid ahaa hadaladiisa.
Munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah haweenka degmada Yagoori oo ku dheeraaday Taageerada ay u hayaan Culimada iyo Machadka Iimaamu Shaafici ee degmada Yagoori waxa ayna halkaas ka balan qaadeen habluhu inay dhaqaale siin doonaan Machadka waxaa kale oo halkaas Lagagga Yaboohay lacago Lagu dhiiri galinayo barashada Diinta Islaamka iyo hoyga oo u baahan dhisme waxana culimadi leenahay hanacaajisina oo noo badiya Goobaha waxbarashada.

Hoos ka Daawo Video Xaflada Machad cusub oo diini ah laga furay Degmada Yagoori


Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc
    Reer Yagoori mar hore ayay u baahnaayeen machadkan waayo yagoori waxa fadhiya jin insi ah (Timaweyn) u baahan in laga xoreeyo, maraa machadkani wax weyn ayuu ka tari doonaa.

    Wasalama caleykum

Leave a comment

*