Baarlamaanka Cusub ee DFS oo la filayo in ay maanta ku kulmaan Muqdisho

August 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa si xawli ah uga socda magaalada Muqdisho Qaban qaabada kulanka baarlamaanka  cusub ee DFS  waxaa uu ka socdaa xarunta gaadiidka Booliiska halkaasi oo uu ka dhici doono kulankii kowaad oo ay yeelanayaan xildhibaanada DFS kuwaas oo xalay la dhaariyey.

Ajandaha kulanka ugu horeeye oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa waxaa uu yahay  uruurinta araajida musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.

Waxaa kale oo kulanka maanta lagu magacaabi doonaa  guddiga doorashada kuwaas oo ka shaqeyn doona doorashada Gudoomiya Baarlamaanka DFS iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyey amaanka xarunta gaadiidka Booliiska ee Soomaaliya halkaas oo ay ku sii qulqulayaan xubnaha Baarlamaanka DFS waxaana shir gudoomin doona Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Baarlamaanka Jen. Muuse Sheekh Xassan Cabdulle

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online