Qowsaar wadaniyaa karoon qaarad kale jooge. Abwaan Cabdiraxmaan Shaacir (Dhageyso)

August 14, 2012 - Written by

Minneapolis:-Waa Gabay uu hal abuurkiisu ku farayaraystay, kuna gadaaman suugaan sarbeeb  hub looga dhigay, maah maana galbin looga dhigay, qisooyina lagu qalabeeyey, gabaygaan wuxuu gacma gacmeeyey meelo farabadan, wuxuuna curiyuhu cabirayaa in ummadiisii ka daashay balaayada 20 jirsatay, adaanaha casrigan noola uu qalinka ku dagaalamo kuna kala adkaado, gabyaagu wuxuu lahadlayaa ummada Soomaali yeed qayba heeda kala duwan isagoo leh, colaad waan tijaabinay, caga gubyadeediina waan haynaa ee nabad matijaabinaa si mar’uun ehelka kala abaadday kala erdhoobay ay uwada qax weeyaan, qofkastana uu  haasaawa saamigiisa ka qaato 20 sano ee caguhu ummada u koreeyeen wixii uu la kulmay iyo intuu qaarado ka dhacay.

” Qowsaar wadaniyaa karoon qaarad kale jooge ” *hadaladaas waa qayb gabayga ka mid ah.  Gabyaagu waa tiriyey Abwaan Cabdiraxmaan Shaacir oo ka mida Gabyaasha da’ada yar ee Soomaaliyeed, markaadse gabaygiisa dhuuxdo, wuxuu ka haray odayaashii hore ee ruug cadaaga ahaa ayaad is oranaysaa.  Gabayga C/raxmaan Shaacir dadbadan mafahmaan maadaama Sarbeebta iyo is barbardhigida qisooyin horay u dhacay iyo kuwa haatan taagan ay u tahay nooca uu gabayga u tiriyo, nasiib wanaagse C/raxmaan Shaacir isagaa gabaygan hordhac usameeyey. kana hadlay sababta ku kaliftay. Waxaanse hubaa hadaad tahay Soomaali xiligan nool, kuna cel celiso dhowr goor in aad nuxurka la bixi. Maah maah horaa ahayd “Dhayda dhan xoorku isagaa kuusoo dhici” Gabygaan Cabdi raxmaan Shaacir wuxuu ku tiriyey Minneapolis 01/10/2012.

Hoos ka Dhagayso gabaygii Abwaan Sh Cabdiraxmaan Shaacir.

[audio:http://www.somalitalkradio.com/cod/gabay/qabyo_kuma_ebyoontee_shaacir.mp3]

Halgan.net
Somalitalk

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online