Ra’iisul wasaaraha DFS Prof Gaas oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

August 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa caawa dhamaan muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed Hawada u marinaya hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fitriga. Ra’isul wasaaruhu wuxuu Hambalyo u diryaa dhamaan  Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in Umadd kasta ay leedahay Ciid iyo munaasabado ay weeyneeyaan, hase yeeshee Ilaahay SWT waxaa uu Umaadda Islaamka u jideeyey laba Ciidood oo kala ah Ciidul Fitri iyo Ciida udxiyada, Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waa u dabaal dagaan labadaas Ciidood.

Xikmada looga jeedo ayaa ah in muslimiintu isugu yimaadaan Salaadaha labaas ciidood si ay isu bartaan, isu xiriiriyaan, iyo in qaarkood qaarka kale u bogaadiyaan si ay isu jeclaadaan una midoobaan.

“Anigoo ka fa’iidaysanaya fursadaan Ciida waxaa ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan isu tanaasulaan isna caawiyaan, waa in kuwa wax haysta ay farxada la qaybsadaan walaalahooda dhibaateysan ee aan waxba haysan.  waxaa kaloo farxad ah in Ciidan ku soo begantay anagoo rajo wanaagsan ka qabna inaan maalmaha soo socda Soomaaliya yeelato dowladd rasmi ah taasina waxay noo tahay farxad labaad”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu Isagoo hadlkiisa soo gabagabaynaya waxaa uu sheegay inuu u rajaynayo shacabka Soomaaliyeed barwaaqo iyo horumar laga gaaro siyaasada , dhaqaale iyo Arrimaha bulshada, ilaahayna sanadkaan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad iyo baraare.

>>>>>Dhamaad<<<<

 

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online