Sh Shible oo ka hadlay been abuurkii laga ka faafisay Sheekh Shariif CabdiNuur.[Dhagayso]

August 31, 2012 - Written by

Sheekh Maxamuud Shible oo ka mid culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa waxaa maanta uu khudbadii Jimce uga hadlay Fatwo la sheegay in uu leeyahay Sheekh Shariif Cabdinuur alaha caafiyee oo lagu faafiyey mareegta Somalimemo.net , codkaas oo loo tiiriyey Sheekh Shariif Cabdinuur ayaa waxaa beeniyey wiilkiisa Maxamed Sheekh Shariif Cabdinuur Xassan waxaan uu baaq uu xalay u jeediyey Umada Soomaaliyeed ku cadeeyey in codka lagu faafiyey Somalimemo.net uu yahay mid aan sax ahayn uuna yahay min la soo googooyey ahna waqtigii Maxaakimta islaamiga 2007 .Halkaan ka Akhriso Baaq Maxamed Shariif Cabdinuur Xassan        Halkaan Baaqii oo cod ah MP3

Sh.Maxamuud Shible ayaa uga digay bulshada Soomaaliyeed kuwa lagu ibtileeyey ka been sheegida diin, iyo weliba culimada xanbaarsan isagoo Sheekh uu ku xusay khudbadiisa in isaga iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal ay booqdeen Sheekh Shariif Cabdinuur allaha caafiyee balse uu garan waayey oo uu sheekhu dadka soo booqanaya qaar kood uusan xasuusan halka kuwa kale uu garto.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa sheegay in saxaafada Soomaalida lagu yaqaanay in ay wax ka sheegaan siyaasiyiinta been abuurna ka sameeyaan balse waxaa uu ayaan daro ku tilmaamay in ay soo baxeen webab ka faafiyey been abuurad culimada Soomaaliyeed ilaa  ay gaartay in lagu been abuurto Sheekh Shariif Cabdinuur oo umada Soomaaliyeed oo dhan ay taqaan Manhajkiisa .

Sh Shible ayaa sheegay in dhawaan uu soo bandhigi doono kuwa ugu waaweyn ee beenta faafiya ama  aqwaasha culimada ku ciyaara ,isagoo sheekha uu xusay in uu magacaabi doono uuna hayo in ka badan 30 qowl oo culimadu leeyihiin oo la is daba mariyey.

Sh Maxamuud Shible ayaa ku tilmaamay kuwa webabka u furta ka been sheegida culimada iyo Ahlu diinka inay ku sifoobeen kooxo lumay sida dhinac gaalaysiinta waxaa ay ka yihiin Khawaarijta , dhinac beenta waxaa ay uga mid yihiin Shiicada.

Hoos Ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee uu Sh Shible ka jeediyey maanta Masjidka Al-hidaaya ee Magaalada Nairobi

[audio:https://halgan.net/Mp3/khudboshshble31082012.mp3]Ama Halkaan MP3

 Halgan.net

21 Comments so far

Leave a comment

  1. asc aad ayay u mahadsan tahay sh abdulbaazi been abuurka uu runta kesheegay ee ilaahay halaga qabto iyo maalinta qimaayo webka qoro beenta culumada ha la iska daayo haddii wax kale lagu taageeraynin culumada waa in webka qoro benta waa in aan la akhrinin wabilaahi towfiiq

  2. Aslamu caleyn waraxmatulahi.

    Halgan.net.
    waxaan idin leeyahay dhamaan shaqaalaha webka. Halgan.net
    Alaha idin xifdiyo sida aad cumumalada somaliyed iyo Dadka wanaaga lagu yaqaano Aad ka ilalineysaan xumamanta ay isku dayayaan kuwa waxmagaratada ah sida (SOMALIMEMO)oo kale inta la midka ah oo isku dayayo Dadka illah xafiday oo rabi ceebta ka dhowray iney ceebeeyaan..
    Waxaan leeyahay kuwa waxmagaratada ah Ee culumada iska daaya sida somalimemo hadii alle ciqaab alle u diyaar garowba ,,

    Halgan.net alle xafido inta aad wanaga iyo diinka aad u heelineysaan Rabina raali ha idinka noqdo insha allah..

    W/S W/R W/B

  3. subxaana,alaah aniga waaba la aaabay ma xishoodan miyaa wiilashan oo ma oga miyaa in hadalkooda la sooq aban doono yaab runtii shiikh xanuun la dhaafimaayo midkii fiican waala dilaa midkii aamusa been laka sheega yaab dadkaan diinta ey heystaa anigu ma fahmin allaha noo xafido shiikh shibilee jzkallahu kheyral jazaa

  4. ilaahayow hana fidneyn xalada wey adkaatay ee illah halaga baqa cida aad taageereyso waa inaad ku taageerta jidka alaah ee aadan ku taageerin been la soo aruuriyey

  5. ACWW CAJIIB MAANTA MA WAXAY MARAYSAA IN SHARIIF ABDINUR SHARIIF XASSAN LAGU BEEN ABUURTO IYADOO UMADU KHYR BADAN KU TAQAAN IYO DHOWRSANAAN

    SHAQSIGA QORAYOW DHAMBAALKOW ILAAHAGA KA YAAB OO MAR KALE HA U GEFIN SHARIIFKA IYO DADKA LA MIDKA AH
    MAHAD U.S.A

  6. asc wr wb walayal jzk kheyr qof walbo been ku qarabado saan baa u dambeeso in dadka so maliyed dhan ee na cen kuwa ka been abuuranyo culumada una dhmaantey wayeen gargar allae iyo gargar binadanba ee musliminta ka helaan taso ee ka sabtey in dinta ee ku raadiyan wax kale aan illahy ka ral;i aheen

  7. sh shibili waxaa uu ku hadley waa diin iyo xikmad

  8. Asala Calaykum. Anigu waxaan arkaa in lala dahay in ragaas uu Calanka u wado Xassan laga soo dahay in laga hadlo. Markay wayeen wax Yac dhahana ay dadkii u tuseen in ay iyagu saxan yihiin. Marka waqti bay qadanaysaa in fikirkooda qaloocan lasuuliyo.

  9. kkkkkkkkkkkkk
    dhuuntaad ugasheen runtii kuwa somalimemo yurub iyo amerika kaga soo alifa beenta waxay isleeyihiin beenta diinta ugu gargaara wuxuu isleeyahay been ajar kahel miyaa mase waa wax kale
    maadaama halgane.net ay noo joogto kabaqi mayno beentooda wax la cayriyo beenbaa u orad gaaban ayaa layiri marka been kasta soo qabta baarakallaahu fiikum

  10. yaan ka qaadana mas’ alatu Al-wala walbara?
    Ma shibile mise xassaan?
    Ardadada waxan kula dardaarmaya inay darsaan culimada ka run shegtay masaa’ isha laysku hayo
    wabilahi towfiq

  11. war nimanyahow halakala xishodo waxan qof walba u iska hunqacayo ma ahe

  12. لا يمكنك أن تنكر الحقيقة مهما كان صعبا وحاولت تضليل الجمهور. يتم تحديد الآن الشباب للقضاء على البقية من أسوأ

  13. لا تنه عن خلق والخصم لا ترتجى النجاة له *** يوما إذا كان خصمه القاضي

  14. Asalamu allykum ww
    Walaalaha Halgan maamula rabbi ha idinka siiyo kheeyr farabadan ..dadaaal iyo dagaalka aad u gasheen sidii aad ug difaaci laheydeen ragga dhalinyarada ah ee ayaamahan caado ka dhigtay inay dhiiga iyo sharafta culimada qiil u raadsadaan..
    runtii cid waliba maanta waa ogaatey beenta iyo gooygooynta hadalada culimada..
    khasaaro uun baa u danbeysa cidii culimada ka hari weysa..
    Alloow culimada ilaali..

  15. waxaan kacodsanaa walaalaha inay soogiliyaan shabakada fatwadi shariifka oo sedeedi ah oon lagu ciyaarin

  16. asc aad ban idin salaam aad baan ugu xumahya culumada mid xanuusan iyo mida cafimaad qaba hadaysa baxsanaana waa wax lalayaabo maantana ma shariifkii baa lo dhacaya SOMALIMEMO ilaahay kacabasda oo culumada daaya wax aad ka qoraysaan oo bena aburka sheikh shariif waa la ogayahay in aad been ka sheegayasaan waa dhibaato wadankeenii uu qabo in culumada wax laga sheego maxaa dadakaan dabadhigay culmda

  17. qolada shiikhu sheegayo waa qolo beenta kadhigatay wado loo maro jihaadka kuna xalaashatay dhiiga culimada

  18. Sh Maxamud Shibili qeyr Allaha siiyo been abuurkii Somalimemo i noo cadeeyay

  19. waxa laga sheegay shiikha oo been abuurka ah kaliya ma ahan in lagu qoray websidyada ee waxaay ka soo daayeen idaacaddooda oo waa wax la wada dhegeeystay taasina waaba shaqadooda

  20. SUbxaanaalaah,,,oo meeel loomaro waxaa qiil loo raadsanaa wax ilaah xarimay oo ah dhiiga muslimka iyo cirdigooda in un culimada laga dhiraadhiriyo culimada(‘xafidahulaah)sida sh shariif cabdinuur……
    alaha soo hadiyeeyo

  21. Asaalamo caleykum wrxb salaan kadib ,khawaarijta waxa lagu yaqanaa been abuurka ey ka been abuuranaayaan culumada waa weyn ee sumcadda iyo sharafta ku dhex leh shacabka somaliyeed. intaas kadib fadwo been abuur ah ma waxay ka celineesaa ugaarsiga iyo duulaanka lagu haayo shabaabul jaahiliin mise shacabka ayey taageero uga helaayaan mise niyaday u dhiseesaa? jawaabtu waa maya,,,, shacabka somaliyeed way ogyihiin maanta waxay yihiin shabaab.

Leave a comment

*