Sh.Xasan Daahir Aweys waa la dagaalamaynaa dowllada cusub ee Soomaaliya

August 22, 2012 - Written by

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha ciidanka urruka Al-shabaab ayaa waxaa uu si xooggan uga soo horjeestay dowllada federalka Soomaaliya ee la doonayo in beesha caalamka ay u dhisayaan Soomaaliya bilaha soo socda. Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa xusay in dowlad hadda la doonayo in loo dhiso dalka soomaaliya aysan waxba  ka duwanaan doonin kuwii hore isagoo xusay Sheekhu in ay la dagaalami doonaa.

Sh.Xassan Daahir ayaa xusay in reer galbeedku ay doonayaan in shacabka Soomaaliyeed laga horistaago in wax xukun ah oo Islaami uu ka hirgalo taas oo uu Sheekhu sheegay in ay reer galbeedku aysan u suuroobi doonin in dadka Soomaaliyeed ee muslinka ah ay ka horistaagaan diintooda.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa ku nuuxnuuxsaday in xitaa kuwa la joogay oo wax uun diin ah lagu tuhmayey la fogeeyey kuwii reer galbeed iyo Mahiga ay wateen la soo dhaweeyey oo ay xilibaanada ay ku biirayaan. Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalida iyo musharaaxiinta in ay alle u soo laabtaan oo aysan ku kadsoomin wax ay dhoodhoobayaan beesha Caalamka iyo Mahiga oo hadda cid alle oo uu doono marba keena ama erya.

Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa yiri ’’ “Soomaalida ayaa wax ay xumaynayso waxaa ay yiraahdaan waa Ey iyo Meel uu ka kacay taas baan ku sifeynaynaa kuwa dowllada sheeganaya, Sheekh.Xassan ayaa sidoo kale sheegay in haddii xitaa laga adkaado ay taariikhda Soomaaliya wax ka geli doonaa sida Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

8 Comments so far

Leave a comment

  1. asc wrwb
    soomaalaay suubanaha cswasalaam oo kitaabka quraanka lagu soo dejiyay kibir mauusan isbidin bal rasuulka waa tuu rabigeena ku oranayey hadaad ahaan laheyd mid qalafsan oo qalbi adag gaararkaaga waalaga cararilaah xaashaa suubanaha tusaale inoogu filan haddeey noqotoh jihad hadeey noqotoh madaxweeyne haddeey noqotoh daci haddeey noqotoh aabe haddeey noqotoh zoowj maca kula haadaa waa rasuulkii adduunkaan alle usoo dirsaday lana faray inuu gaarsiiyoh keliyah xisaabta uun alle uu u dhaafoh walaalayaaloow kama aanu cilmi iyo alle cabsi badni suubanaha waatii rabigeena kusifeeynayey miq aqlaaqdiisa sareeyso waana kii lafaray inuu gaalada iyo munaafiqiintah ku adadkaado. walaalayaaloow nin kastoo qori qaatay mujaahid ma ahan ninkastooh ladilayna shahiid ma ahan aan xaqiiqadah kusoo baraarugnoh qof kasta waa iska heesayaah wax buu iska haminayaah xaqiiqada iyo nihaayatul madhaafkana rabigeey og aan alle kacabsanoh aan ogaanoh beritoh camalkeena iyo inaga isku dambeeyndoonoh.

  2. Mataageersani aragtida sheekha balse Abu caisha qoraalkiisa dheer aan wax ka waydiiyo

    1)20,000 ee ciidan ee aad sheegtay iney joogaan wadanka ma waxaad aragtaa inuu keenay sheekh xasan iyo ragiisa?
    2)sheekhu ma diidin in dhibka lagabaxo ee waxa naloo dhoodhoobayo miyaad adigu u aragtaa in dhibka looga baxayo?

    Aniga waxaan arkaa in dhawrki sanaba niman nalakusii maaweeliyo naloo samaynayo, anaguna aan eeda saarayno ragga arintaas diidan, markaa miyaana noqonayn doqonki Nabi Muuse kuyiri “ma waxaad rabtaa inaad idisho” asgoo Nabigu rabay inuu u hiiliyo oo ka celiyo ninka dilaya?

    Waxaan kale oo arkaa in sheekha iyo raggiisa inay kagaabiyeen dhanka siyaasada oo dagaalka qayb ka ah waayo markii Nabi Muxammad (SCW) uu diiday in ladilo munaafiqi ee yiri laguma sheekaysanayo Muxammed ragiisa ayuu dilaa waa siyaasad uu kaga hortagayay in laga faafiyo dicaayad raqiis ah.

  3. asc anigu waxan canaan u jeedinayaa Halgan.net, walaalayaloow ha soo galinina website-kiina akhbaaraha noocan oo kala ah, waayo waxa lagu jiraa marxalad kala guur ah, wax Alla wixii wax u dhimaya horusocodka umadda ka foojignaada mas`uuliyad ba idin saaran, ma doonayno in fikirkan akhristayaal loo sameeyo. wa mahadsan tihiin

  4. Anigu waxaan hadalkaas sheekh saxan ka oran lahaa soomaaliya laba maalmood ayaa ugu habooneyd oo ay ahyd in wax uun xikmad ah lala yimaado, labadaas maalmoodna midna ma aanay helin murtideedii iyo xikmadeedii waana labada maalmood ee soomaaliyyi intii ugu badneyd ay dalkaan dibadda uga baxdey hal dhumay iyo haldhaan raacdeyna noqotay taladeediina god dheer ku dhacday, wax uun odeynimo ahna ay u baahneyd laakiin labadaas maalmood waxaa loogu daw galay kuwo wax walba ha kusoo gabadaane ay xaqiiqo tahay inay riixaysey dano khaas oy lahaayeen.
    maalinka 1aad waxaa ay ahayd maalinkii siyaad barre dalka ka baxay ee reer muqdisho oo kasoo cararey duqeymihii dagaalka ay wada daadsanaayeen muqdisho hareeraheeda iyagoo sugaya in mar uun dirirtu dhamaato, oo qof walba gurigiisa ku laabto,iyadoo xaal halkaas marayo ayaa waxaa timid koox talaxumo ku dhammaatey oo uu hogaaminayey cali maxamed ,dagaal qabiilna ka bilaabey afgooye oo sheekadii u gadiyey daarood iyo hawiye illaa ay dhaceen waxa qof kastoo soomaali ahi ka warhayo maanta, talona fara ka baxdey dad iyo duunyona ku rogmadeen illaa maantana aanay demin baaruudii bilaabatey.
    maalinka 2aad waxaa ay ahayd markii 2008kii ciidamadii wayaanada ee itoobiya inta jabeen oo soomaali oo dhan la dagaalantey ay dalka ka baxeen iyagoo carar ah guushiina shacabka soomaaliyeed usoo hoyatey, shacabkii muqdisho deganaana iyagoo boqollaal kun ah ay daadsan yihiin hareeraha muqdisho, iyagoo mar uun sugayey guushaas oo nin walbaa isu diyaariyey inuu gurigisa ku laabto oo nabad halkaas laga yegleelo, islaamiyiintuna ay ahaayeen waxa hogaaminayey, laakiin nasiib darro si la moodayey maanay noqon oo sheekh xasan daahir oo markaas asmara jirey ayaa kasoo degey garoonka #50 isagoo wax walboo la yididiilanayey gacanta ku dhuftay, halkaasna wax yar ka dib uu ka billowaday dagaal ka dhex dhacay shacabkii soomaaliyeed ee shalay meesha kasoo wada jeeday iyo raggii walaalaha ahaa ee dhufeyska kaga wada horjeday tigreedii wayaanaha ahayd illaa ay dhacdey in soomaali uu mar kale ka dhacay dagaal aan ka sokeyn kii qabiilka oo isaguna kooxkoox ku saleysan oo dad iyo duunyo badani ku rogmadeen, talona faro ay ka baxdey marka labadaas maalin ayaa ay soomaali daba qabato lahayd labadii maalmoodna rag baa loogu daw galay waxaan oran karaa marka waa u markhaati kacayaa abuu caaisha oo aanleeyahay sheekh xasan daahir hadal uusan ka fiirsan ayuu yiri, waliba tan uu sheegtay badalkeed ayaa ka qormi doonta.

  5. sheekh xasan daahir ilaahay sawaabka ha garansiiyo isagu wuxuu yiri hadii xataa nalaka adkaado taariikhda ayaan gelaynaa oo sidii sayid moxamed cabdulle xassan, haddaba waxaanu leenahay sheekhow ilaahay taas ha kaa cafiyo hadii laydinka adkaado waxaa taariikhda idiin gelaysa inaad soomaali god aysan weligeed ku dhicin ku rideen, maxaa yeelay halka aad dhigteen iyo shilka aad kaga tagteen waa mid dal dad iyo diinba meel dheer geysay oo sidii looga soo celiyo ay adag tahay. dhinaca dalka hadaan tusaale ka bixiyo soomaaliya waxaa maanta joogta inkabadan 20,000 00 ciidamo ah, oo si rasmi ah oo sharciyeysan u joogta, halka maalinkii aad xabadda xamar ka billowdeen ay joogeen 2000 oo askari oo waliba godad ku jira.dhinaca dadkii soomaaliyeedna iyaguna cibaaro aan hore loo arag ayaad kaga tagteen oo maalinkii itoobiyaanku baxayeen shacabka soomaaliyeed waxa ay ku bara kaceen dhulkooda dhexdiisa, oo aad ayay u yaraayeen wax u tallaabey dalalka deriska ee dawladaha gaaladau xeryaha uga sameysteen, maanta waxaa xeryaha qaxootiyada ee tusaale ahaan sida kenya keliya ku jira dad aan ka yareyn nus malyuun qof,(500,000) illaa lagu qiyaasey inay yihiin xeryahaasi xaryaha qaxootiga ee adduunka ugu ballaaran( akbaru mukhayyam fil-caalam) awwal horese laqabkaas ma wadanin, kuma aanan darin kuwa itoobiya xeryaheeda galay ee gaaladu halabsaneyso sida doolow oo lagu qiyaasey iyaguna 100,000 oo qof,xeryahaas qaxootiga oo silaca iyo darxumada dadkaas ka muuqda uusan qof dareen muslim ama bini aadamnimo xataa leh aanu eegi karin, oo ay u weheliyaan in si badheedh ah diintoodii looga fitnaynayo oo lagula gorgortamayo. Dhinaca diinta iyo dulliga ku dhacayna lagama sheekeyn karo illaa magaaladii muqdisho ahayd ee ummul-dacwada ahayd maanta lagu diimayo madhar diini ah oo qof caadi ay adagtahay inuu si toos ah u muujisto shicaarka sunnooyinka, waxa masaajiddii oo dhanna suufiyo ay yihiin kuwo ku dikrinaya oo axad ilaahay abuurtay oo ka hadli karaa anu jirin, waa caasimadda meelaha kale ee kasii shisheeyana iskaba daa, muxuu yahay marka sheekhoow sajalka wanaagsan ee aad tamaniyeyso, mar hadiiba wixii ugu qaalisanaa ee siniinta loosoo dhabar jabayey ay maanta god ku dhacday waa dacwadiiye sideed marka ku sheegataan taariikh wacan hadiiba intaas oo weylaat ah aad dalkii dadkii iyo diintiiba uga tagteen illaa maanta ay gaartey in culimadii iyo dadkii diinta dhiigooda lagu banneysto shubho tan ugu yar amaba fuqahadii ummaddaan dhiigoodii lagu banneyso wax loogu magac daray( ALQAATILU MYUJAAHID WALMAQTUULU SHAHIID) iyo masaajidii ilaahay lagu ugaarsanayo musalliintii oo maanta masaajidii laga haajirey maxay tahay marka waxa aad magan saneysaan .. laa xawlah walaa quwwata illaa billaah . Wallaahi ku dhaartaye sheekh xasanow soomaali waxay idinku xasuusan doontaa inaad kaga tagteen dulli iyo baaba, iyo bahdil diimeed, waxaanse ka xumahay maanta adigoo ka mid ahaa odayaashii dacwadaan ee heerarkii dacwadaani soo martay usoo joogey in maanta aad jeebka u gashay wiilal aan dacwo iyo waxay tahay dan ka lahayn oo waxa kaliya ee ay ku socdaan uu yahay awaamir laga soo tuurayo kumanaan kun oo mayl, oo aan fikirkoodaba ku soconin.hadal waxaan kusoo koobi sheekh xasanow taariikh waxay idinka qorto waa loo joogi doonaa.

  6. sh xasan daahir awaysooooooooooooooooow mantay cimri baatahay ha ku dhiman khaatumo xumo iyo adigoo daadinaya dhiig islaam xasuuso waciidka ku soo arooray gaalnimada ogoowna in aadan hubin dawladu in ay gaalo tahay daliilna aadan u haysan taas waan hubaa oo walahi waan ku dhaaranayaa ee alle u soo labo oo ragii ragaga ahaa mantay dhigooda in la banaystay wad ogtahay hadaad rali katahayna kuwas takfiirka ah khawaarijta ah ayaad lamid tahay allana xaqa waa kala cadaynayaa

    allahuma hal balaqtu allahuma halbalaqtu allahuma fashhad

  7. Sheekh Xasanow bal arintad Dareemayso culumadu wa kula arkaaane, bal sidaan waxka badal oo culumada dib ugu soo laabo intaad Caamada ka soo dhex baxdo, Ragaad hada ku jirto waa Ragii Sheekh dr axmed dilaye!marka nin sheekh Axmed dilay diinta uu kor yeelayo maxay tahay?!kallaa!!

  8. sh,xasanow khayr badanbaan kugu ogaa mawaxaad aqoontaadii iyo quraankii aad taqaanay ka heshay inay somali duligan iyo darxumadan ku jirto dacwadii lagu xidhay ragna loo laayay adiga iyo kula miday eersatayee ogaw ama ha ogaan
    suufiyo bakhtidaybaad nagusoo nolayseen

Leave a comment

*