Sh Xassan Daahir Aweys oo boqolaal dadweyne ah kula hadlay magaalada Baraawe

August 19, 2012 - Written by

Baraawe:-Waxaa maant si weyn looga ciiday Magaalada Baraawe ee gobolka  Shabeelaha Hoose iyadoo dadweyne aad u fara badan ay iskugu soo baxeen goob fagaaro ah oo ay u cayimeen masuuliyiinta ururka Al-shabaab, Masuuliyiinta maanta dadweynaha la hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xassan Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa boqolaalkii dadweynaha ahaa ee kala soo qayb galay salaada ciida waxaa uu ugu baaqay in ay kaalmeeyaan dadka masaakiinta ah iyo in ay dagaalka kala qayb qaataan si dalka looga badbaadiyey cadowga ku soo duulay ee uu ula jeeday Ciidanka AMISOM ,Kenya   iyo Itoobiya.

Sheekh Xassan  Daahir Aweys ayaa ku celcedliyey in ay  tahay waajib in laga hortago cadowga alle oo iyagu doonaya buu yiri in dalka iyo dadkuba ay qabsadaan, Sheekh Xassan ayaa codsigaas ka dib ee uu u jeediyey dadweynaha waxaa uu sheegay in ururka Al-shabaab aysan dagaalka joojin dooni ilaa Shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka oo dhan hadalad Sheekh Xassan Daahir iyo masuuliyiinta kale ayaan dib idinkaga faahfaahin doonaa haddii alle idmo.

Magaalooyinka kale ee sida weyn looga ciiday ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka , Marka ,  Buula-barde ee gobolka Hiiraan oo ay gacan ta ku hayaan ururka Al-shabaab ,masuuliyiin kale duwan ayaa dad wey na ha la hadlay dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.


A/cawaale

Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online