Sheekh Cabuud oo koox hubeysan ee ku dileen magaalada Mombaza

August 27, 2012 - Written by

Mombaza:-War haatan naga soo gaaray magaalada Mombaza ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku dileen magaalada Mombaza Sheekh Aboud Rogo oo ay dowlada Mareykanka ku eedeysay in uu xiriir dhow la lahaa Ururka Al-Qacida waxaana haatan kacsan xaalada magaalada Mombaza.

Sheekh Aboud Rogo  ay rumaysan yihiin taageerayaasha Sheekh in dilka Sheekh ay fuliyeen Sirdoonka dowllada Kenya ama  reer galbeedka oo taakuleyn la daba taagan ciidanka Kenya ee duulaanka ku ah dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalada J/hoose iyo Gedo.

Allaha u naxariistee Sheekh Cabuud Rogo ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray madaxa halka xaaskiisa oo la socotayna uu dhaawac ka soo gaaray lugta midig  waxaana waxba gaarin qaar ka mid ah caruurtiisa oo la socotay.

Taliya ku xigeenka Booliska magaalada Mombasa Joseph Kitur ayaa xaqiijiyay in la dilay Sheekh Cabuud Rogo waxaana uu sheegay in ragii dilka fuliyey ay baxsadeen.

Magaalada Mombaza ayaa aad waxaa u kacsan shucuurta dadka Muslinka ee degan magaalada waxaana magaalada lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dilka Sheekh Cabuud Rogo dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online