Sheekh Cabuud oo koox hubeysan ee ku dileen magaalada Mombaza

August 27, 2012 - Written by

Mombaza:-War haatan naga soo gaaray magaalada Mombaza ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku dileen magaalada Mombaza Sheekh Aboud Rogo oo ay dowlada Mareykanka ku eedeysay in uu xiriir dhow la lahaa Ururka Al-Qacida waxaana haatan kacsan xaalada magaalada Mombaza.

Sheekh Aboud Rogo  ay rumaysan yihiin taageerayaasha Sheekh in dilka Sheekh ay fuliyeen Sirdoonka dowllada Kenya ama  reer galbeedka oo taakuleyn la daba taagan ciidanka Kenya ee duulaanka ku ah dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalada J/hoose iyo Gedo.

Allaha u naxariistee Sheekh Cabuud Rogo ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray madaxa halka xaaskiisa oo la socotayna uu dhaawac ka soo gaaray lugta midig  waxaana waxba gaarin qaar ka mid ah caruurtiisa oo la socotay.

Taliya ku xigeenka Booliska magaalada Mombasa Joseph Kitur ayaa xaqiijiyay in la dilay Sheekh Cabuud Rogo waxaana uu sheegay in ragii dilka fuliyey ay baxsadeen.

Magaalada Mombaza ayaa aad waxaa u kacsan shucuurta dadka Muslinka ee degan magaalada waxaana magaalada lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dilka Sheekh Cabuud Rogo dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

9 Comments so far

Leave a comment

  1. Inaali laahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun

    Allaah Sheekha ha u naxriisto hana ka waraabiyo janatul fardoowsa, waxii dhibaakaas geeystayna duli aduun iyo cadaab akhiro allaah ha geliyo waa ayaan daro hadii culimadii dhigoodo qulqulaayo, aloow naga soo gaaraduunkaan fitankiia iyo foolxumadiia.

  2. asc ikhwanii filaah barabuga oo ogaada dhagarta galada hana modina inay kox guuniya radsaneyso

  3. asscw bacda salaan innaa lillaah wa innaa ileyhu raajicuun
    illaahow rog madaxda kenya muslimiinta kor ka dhig !!!!!!!!!!!!

  4. inaa lilaah wa inaa ilahey rajacuun ilahow unaxariso shekh abuud rogo
    cadawgii dilayna soo qabo ilahow galada ku noo kenya halaag muslimkana u gargaar ilahow kibaaki halaag reyla halaag u huru halaag ilahow galada halag

  5. ina lillahi wa ina ilayhi raajicuun alaha unaxariisto sheekha waxaana kadambeeya dilkiisa kufaarta kenya insha allaahu manoqon doono dhiigiisa hadur.

  6. ASC INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

  7. Arxan laawayaal caruutiisii bay kuagdileen

  8. ASC inaa lilaah wa INAA ILEEYHI RAJICUUN

  9. Ina lilaahi wa ina ilaahi rajicuuun ilaahow shahaada u aqbal wax lo diley wa diintadada daradede raximakaalu ya shekhana

Leave a comment

*