Shirkadda Golis oo Qalabka Dabdamiska ah Gaarsiisey Dekedda Bosaaso:

August 28, 2012 - Written by

Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Talecom somalia ayaa qalabka dabdamiska “Fire extinguishers” gaarsiisey dekedda magaalada Bosaaso. Qalabkaas ayeey shirkaddu waxay ku wareejisay agaasimaha guud ee wasaaradda Dekeddaha dowllada Puntlland C/Majiid Samanter. iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen madasha lagu wareejinayey qalabka qaar ka mid ah maamulka iyo shaqaaalaha dekkedda Bosaaso iyo masuuliyiin  ka socdey shirkadda Golis iyo weliba shakhsiyaad ka tirsan ganacsatada Puntland.

Hogaanka xiriirka dadweynaha ee shirkadda Golis Talecom Faarax Xaaji Mire oo wareejiyey qalabkaas ayaa ugu horayn ka hadlay munaasabada waxa uuna sheegay in shirkadda Golis ay qalabkaan ugu deeqday dekedda Bosaaso ka dib markii ay shirkaddu aragtay khataraha dab ee soo noqnoqday oo waxyeelo weyn u geysta gaadiidka iyo badeecadaha dekedda Bosaaso.

no images were found

Hogaanku wuxuu sidoo kale sheegay inaanay ahay markii ugu horaysey ee shirkadda Golis ay gurmad kanoo kale ah ka geysato dekedda Bosaso iyadoo” tilaabadani ay ka tarjumayso sida shirkadda Golis ay ugu taagantahay waxtarka bulshada iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Waxaa  gabagabadii munaasabadaas mahad celin iyo bogaadin u soo jeediyey shirkadda Golis agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha  PL C/Majiid Samanter oo sheegay in shirkadda Golis ay ka mid tahay shirkadaha sida wanaagsan uga qayb qaata arimaha bulshada,isla markaana waxtarkoodu uu yahay mid wax-ku-ool ah.

Shirkada Golis
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online