Golaha Wasiirada DFKM oo maanta kulmay (Warsaxaafadeed)

August 13, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Soo xulista Baarlamaanka iyo Arrimo kale.

Ugu horayntii Waxaa Goluhu warbixin ku saabsan dhanka Amniga ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhiga wuxuuna Golaha u sheegay in xaaladda amniga ay marayso meel wanaagsan loona baahan yahay in la sii adkeeyo.

Goluhu isagoo dareensan xaaladda amniga ayaa waxaa la isugu yeeray laamaha qaabilsan amniga sida Booliiska, Nabad sugidda iyo Laanta dambi baarista, waxaana Goluhu waydiiyey su’aalo laamaha amniga iyagoona is dhaafsaday talooyin lagu xoojinayo amniga wuxuuna Golohu hoosta ka xariiqay in amniga gacan bir ah lagu qabto si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Goluhu farey hay’adaha wada shaqayntu ka dhaxayso laamaha amniga in ay la yimaadaan wada shaqayn joogta ah si loo gacan siiyo lamaha amniga.

Sidoo kale Goluhu waxay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Dastuurka iyo Dib-U heshiisiinta wuxuuna ka warbixiya halka uu marayo soo xulista Baarlamaanka iyo dhameystirka marxaladda isbedelka ee hay’adaha dowladda. Warbixinta kadib Goluhu wuxuu isku raacay inay ka go’an tahay in xilligii loogu talagalay in laga gudbo KMG uu ku eg yahay 20, August, 2012.

Wuxuuna Goluhu soo jeediyay in Gudiga Farsamada ee u xilsaaran saxida xubnaha loo soo xulayo Baarlamaanka cusub ay soo gudbiyaan xubnaha Barlamaanka ka hor 15 August si loo bilaabo diiwaan gelinta iyo bixinta Aqoonsiga.

Ugu dambeyntii Goluhu wuxuu isla gartay iyadoo la ilaalinayo dhameystirka Roadmap-ka ee dhinaca dowladd wanaaga, Dib-u heshiisiinta iyo ilaalinta kalsoonida Shacabka ayaa goluhu go’aansaday.

  • In Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda, Sida magacaabista Degmooyinka, Xilalka, Dalacsiinta iyo IWM iney tahay sharci darro  waxayna keeni kartaa iney lunto Kalsoonida Shacabka uu ku qabo dowladda.
>>>DHAMAAD<<<<

 

Diraac Salaad Fagaase
Communication
Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online