Taliyihii ciidanka Nabadsugid ee Puntlland Saleebaan Barre oo xilka laga qaaday

August 11, 2012 - Written by

Garoowe:-Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.C/raxman Maxamed Faroole ayaa saaka waxaa xilka  uu ka qaaday Taliyihii ciidanka Nabadsugid ee Puntlland Saleebaan Barre  ka dib markii lagu eedeeyey in uu si wanaagsan u gudan waayey xilkii loo magacaabay. Isla wareegta ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa xilka Taliyaha ciidanka Nabadsugida Puntlland loo magacaabay Cabdiweli Maxamed Cawaale oo ahaan jiray Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Nabadsugid mudo badan ka shaqayn jiray ciidanka Nabad sugid.

Xil ka qaadista lagu sameeyey Taliyihii hore ee ciidanka Nabadsugda dowllada Puntlland Saleebaan Barre  ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maalmo ka hor ay magaalada Garoowe dil loogu geystay xilibaanka tirsan Golaha wasiirada Puntlland iyo sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Puntlland. Dhinac kale Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa shalay waxaa uu kormeer ku tegay Saldhigayda ciidanka Booliska , iyo Taliska guud ee ciidanka daraawiishata iyo goobo kale duwan oo ay ciidanku ku lahaayeen fariisamo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online