TV-ga dowladda Ethiopian oo shaaciyey in uu dhintay Meles Zenawi

August 21, 2012 - Written by

Adis Ababa:-Waxaa saaka oo talaado ah si rasmi ah looga shaaciyey Tv-ga dowladda Ethiopian  inuu geeriyooday ra’iisul-wasaarihii Ethiopia Meles Zenawi kaas oo in mudo ah ku xanuunsanaa Isbitaalk ku yaal  dalka Belgium.

Raisulwasaarihii  Ethiopian Meles ayaan mudo ka badan 2 bilood lagu arkin masraxa Siyaasada ee Midowga Afrika  waxaana uu galay Isbitaalka bilaawgii bishii July 2012.

Talada dalka Itoobiya ayaa waxaa si ku meel gaar ah ula wareegay Hailemariam Desaleng, oo ah wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia .

Meles Zenawi ayaa talada xukunka la wareegay 1991-kii waxaana uu hogaaminayey Jabhadii EPRDF  ee xukunka ka tuurtay Mengistu Haile Mariam .

Raisulwasaare Meles Zenawi ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa dhibaatadii iyo xasuuqii ay dowladiisa ka geystay gudaha dalka Soomaaliya iyo gobalka Somaali Galbeed (Ogadeniya) oo uu xasuuq badan ka geystay .

Dowlada Itoobiya ayaa waxaa caalamka Reer galbeedka looga yaqaan (Israa,iishii Bariga Afrika )waxaa taakuleyn iyo ilaalo la daba taagan wadamada Reer galbeedka.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

7 Comments so far

Leave a comment

  1. Alxamdulilaah ilaahii halagay cadawgii ilaahay cadaabta ha ku fogeeyo A
    llaw halaag gaal iyo gaalo raac .

  2. haku cibro qaato qofwalbo oo umadda dhibaateeyo inuu sida malzanawi u dhimanaayo. dadka soomaaliyeed oo asaga lamidana ha ogaadaan inuu sidiisi oo kale ay sugeyso, gaal kaliya kuma koobna bahasha.

    waxaan leeyahay allayahow sidii fircoon cadaabtiisa mid lamida sii oo cibro uga dhig dadka, walow hal mar xitaa aad maqashiisid asago lacadaabayo dad yaqaano si ay uga warbixiyaan oo ay ugu sheegaan dadka inuu cadaab weyn ku jiro.

    alaha dadka muslimiinta ah u gargaaro aamiin.

  3. Salaamu Calaykum

    cadaabta meesha u hooseysaa alaha geeyo kuwa soo socdna shartooda Eebe weyne ha naga qabto

    ws

  4. Alle waxaan u weydiinayaa inuu Jahanama kaga aarsado isaga iyo intii kala qayb qaadatay dhibaataynta dadka muslimiinta ah ee ku nool geeska afrika hadii aysan ka toobadkeenin.kuwa hada jooga iyo kuwa soo socdaaba waa lamid ee umada muslimiintu waa inay tashadaan .

  5. alxamdulilaah dhimo oo hanoolaan kii waxnoodhimaayoow

  6. alxamdulilah ilaahaeygi dilaay ninkaan. koleey ma hubno inuu tobadkeenay iyo inkale, lakiin hadi uu galnimadi kudhintay ilaahay naarta hageeyo, jahanamadana hoosteeda ha dajiyoo

  7. فقطع دابر القوم الذين ظلمو والحمد لله رب العالمين

Leave a comment

*