Wakiilada Midowga Afrika, QM iyo IGAD oo Sheegtay Xiliga ay ku Egtahay DFKM .

August 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ergeyga gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga , Wakiilada Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, Britain,Midowga Yurub, Talyaaniga, Norway, iyo  Turkiga, oo Muqdisho maanta soo gaaray ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ugu tagay, Madaxweynaha dowladda Shariif Sh. Axmed, Ra’isul Wasaaraha C/wali Maxamed Cali, Guddoomiyaha baarlamaanka, iyo xubno ka mid ah wasiirada.

Kulanka, ayaa waxa uu ku saabsanaa waqtiga kala guurka ah, iyo doorashooyinka la filayo dhawaan inay ka dhacaan Muqdisho, iyadoona markii uu kulanku dhamaaday saxaafadda ay la hadleen wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo wakiilka Midowga Yurub.

Augustine Mahiga , ayaa sheegay in berri uu dhici doono kulankii ugu horreeyey ee baarlamaanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in AMISOM ay sugi doonto ammaanka, isla markaasna aan la aqbali doonin xubnihii galista baarlamaanka laga hor-istaagay inay carqalad sameeyaan.

Wafdiga beesha caalamka ka socday, ayaa sheegay in berri uu ku ‘egyahay waqtigii dowladda KMG Soomaaliya, isla markaasna ay dhiirri gelinayaan in howlaha dhiman si dhaqsiyo leh loo qabto.

Imaanshiyaha wafdigan caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili berri uu ku ‘egyahay waqtigii horey loogu balamay in Soomaaliya looga saarayo Ku meelgaarnimada, iyadoona hadda Soomaaliya ay leedahay Dastuur, iyo Baarlamaan soo dooran doona guddoonka baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka.

Somalireal+Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online