War-Saxaafadeed ka soo baxday qaar ka mi ah saxiixayaasha Roadmap-ka(Akhriso)

August 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Go’aankii xalay ka soo baxay Madaxda Sare ee DFKG-ah oo amrayey in dhamaystirka xubnaha Barlamaanka ee ay reebeen Guddiga Farsamada ee Xulitaanka loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dowladda KMG-ah ay siyaasiyan iyo sharciyanba khalad tahay.Heshiiskii Galkacyo ee Maarso iyo kii Addis-Ababa ee Meey 2012, waxay saxiixayaasha Road-mapka ku heshiiyeen ayna saxiixeen in farsamada xulitaanka Baarla maanka cusub loo daayo Guddi madaxbanaan oo ka kooban; 27 xubnood oo Soomaali-ah iyo 7 xubnood oo beesha calamka ka socota. Gudigaas oo xubnaha Barlamaanka odayaal dhaqameedka ka hubinayo in ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyey ee ka midnoqoshada xubnaha Baarlamaanka cusub.

Ujeeddada gudigaan madaxa bannaan loo sameeyey waxay ahayd in soo xulitaanka Barlamaanka cusub laga ilaaliyo faragelin Dawladda TFG iyo saxiixyaasha kale ee Road-mapka.

no images were found

Shalay oo taariikhdu ahayd Agoosto 25, 2012 ayaa Guddiga Madaxbannaan shaaciyeen in 253 xubnood oo Barlamaanka cusub (00 ah 92%) ay soo dhamaystireen, taas oo ka turjumaysa in tiro Barlamaan oo ka hawlgelikarta Shaqada dastuuriqa ee barlaamaanka ay diyaar yihiin.

Waxaa waajib ah in Guddiga loo daayo gunaanadka shaqada loo igmaday, lagana joojiyo faragelinta lagu hayo, waxayna shaqadoodu dhammaanaysaa marka ay iclaamiyaan in 275-tii xubnood ee Barlamaanka cusub buuxo lana dhaariyey.

Waxaa saxiixay:

________________________        ___________________________

Maxamed Axmed Caalin                              Maxamed Maxamud Yusuf (Aw-Libaax)

Madaxweynaha Galmudug                          Madaxa Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca

 warsaxaafadeed
Axmed Faarax
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online