Xiisado dagaal oo laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose

August 25, 2012 - Written by

Afmadow:-Wararka caawa naga soo gaaraya gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in maanta ilaa shalay ay xiisad kacsanaan ah ay ka jirto furimaha dagaalka ay isku horfadhiyaan ciidamada Ururka Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta oo ay taageereyso dowlada Kenya.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee wada socda ayaa waxay diyaargarow ka wadaan duleedka Degmada Afmadow halka kuwad Al-Shabaab ay difaacyadood ay adkeysteen waxaana soo gaaray ilaa saaka ciidamo gurmad ah oo ka yimid magaalada Kismaayo .

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo oo aan khadka Telka kula xiriirnay ayaa caawa noo sheegay in magaalada ay degan tahay aysana ka jirin wax cabsi ah waxaa kale oo uu beeniyey in ciidamada Al-Shabaab ka baxeen magaalada sida ay qoreen qaar ka mid ah Mareegaha Soomaaliyeed.

Wararka aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada DFS ,kuwa Raaskaambooni iyo ciidanka Kenya ee  iskaashanaya ay wadaan diyaargaro gudaha Afmadow .

Mar aan caawa Khadka Telka aan kula xiriirnay ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Afmadow ayaa waxaa uu noo sheegay in ciidanka huwanta badankiis galabta ay ka dhaqaaqeen ayna u guureen duleedka magaalada Afmadow.

Guddoomiyaha  Ururka Al-shabaab ee gobalka Jubada hoose Sh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in ay ka warqabaan dhaqdhaqaaq ciidamada huwanta waxaana uu sheegay in ay ku fashilmeen in ay wax horumar ah ka gaaraan dagaalka ka socda gobalada J/hoose iyo Gedo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online