Xildhibaanada cusub ee la soo dooranayo ma ka soo bixi doonaan xilkii ay ummadda ku aaminatay

August 17, 2012 - Written by

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuul keenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas ka dib dhammaan akhristayaasha sharafta iska leh waxaan idiin leeyahay Asalaamu Caleykum waraxmatulaahi wabarakaat. Taariikhdu iyadaa is qorta, maalin walbana heer ayey taagan tahay, qof walbaana taariikhda wuxuu ka galayaa baal dahab ah ama baal mugdi ah. Faa’iidada kaliya ay taariikhdu leedahayna waa iyadoo laga qaato hadba waayihii tegay wanaag iyo xumaanba wuxuu iska lahaa. Haddaba maanta Soomaali meel ay joogtaba waxa ay dhegta u raaricinaysaa maxsuulka kasoo bixi doona doorashooyinka soo socda. Doorashooyinkaas runtii haddii ay u qabsoomaan sidi loogu talagalay waxa ay noqon doontaa taariikh lama ilaawaan, waayo waayihii ugu danbeeyay Soomaali waxaa lagu bartay in ay ahaayeen dad aan ismaamuli karin oo mar walbaa uu waddan nagu sharaf raadsado, tusaale waxaa inoogu filan intii doorasho ee naloo qabtay oo giddigood uu ka dhacay waddan kale gaar ahaan waddamada deriska. Runtii waxaan qabaa in ay tahay guul iyo taariikh haddii ay u dhacaan sidi loogu talagalay.

Waxaa arimahaas barbar socda in lasoo xulay xildhibaano matali doona Baarlamaanka kuwaaso laga doonayo in ay sameeyaan laba doorasho oo ah midda gudoomiyaha Baarlamaanka iyo tan madaxweynahaba. Inkastoo qaabkii loo qeybsaday  xildhibaanada ay kasoo noqotay hadalo baddan iyo iyadoo aan lagu qanacsaneen, haddana in wax uun lasoo magacaabo wax xun maaha oo intii lagu kala tegi lahaa
wax uun hakala socdaan. Laakiin arinta muhiimka ah waxa weeye oo aan maanta maqaalkan uga gol leeyahay war qof yahoow xildhibaanka sheeganaya qaabkaad doonto ku soo qaado kursigan oo hadduu Allaah kuu calfay ogoow waxaad ku fadhisaa booskan mas’uuliyad iyo xil ballaaran oo aad Allaah hortiisa ugu dhaaratay in aad dalkan ugu adeegi doonto si lilaahi ah. Ogoow codkaagu wax weyn buu dalkan ka badali karaa. Codka aad bixisaa burburna wuu horseedi karaa, wanaagna wuu horseedi karaa. Haddaba intaad beri kamaalin ka qoomameyn laheyd codkaad bixisay miyaanay habooneyn in aad maanta ka fiirsato. Wey dhici kartaa in waxoogaa shilimaad ah codadka lagu kala iibsado, laakiin ogoow lacag wey dhamataa waxa haraya waa qadiyadda iyo shaqsiyadda bani’aadan nimo. Ogoow haddii uu codku qarsoodi yahay, laakiin waxaa jira kamerooyin rabbaani ah oo aan laga dhuuman karin, tiiyo ay aakhiro xisaabna jiri doonto. Ha is oronin cid ku arkeysaa ma jirtee ee codkaaga sidaad doonto ugu tagrifal.

Waxaan ku talin lahaa oo aan hadlkeyga ku soo gabgabeynayaa war maanta Soomaali waxa ay u baahan tahay badbaado, waad u jeedaan halka arini mareyso, immisay Soomaaliya u soo joogtay bur bur iyo mustaqbal xumo, immisay Soomaali ku baab’day nolol xumida ka qabsatay qurbaha, immisaa badaha ku baaba’ay, immisay xabadi leeftay, immisaa xabsiyada isaga xiran, immisaa diintoodii iyo dhaqankoodi aan faro ku heyn maanta, sidoo kale immisaa la la’ yahay oo jaan iyo cirib halkey dhigeen aan la garaneyn. Waxaas oo idil waxa ay ka timid dagaaladii sokeeye ee dalkan ka dhacay iyo madax ku sheegi naloo soo dhoo dhoobay labaatankii sano ee ugu danbeysay. Haddaba maanta Allaah subxaanalaahu watacaalaa ayeey wax walbaa gacantiisa ku jiraan isagaana garanaya waddankan halka uu ku danbeyn doono, laakiin Allaah ka soke waxaan aaminsanahay xildhibaanadiinaan waad badbaadin kartaan waddanka, idinkoo codkiina siinayo ama u eegaya qofka aad codkiina siinayssaan ma yahay { Mid dalkan badbaadin kara, mid Allaah ka baqaya, mid kartideeda iska leh, mid islaam nimada ay hagto oo wax walbaa ay diinta ugu horeyso xaggiisa, mid wadaniyad iska leh, mid aqoonteeda leh maamulkaan, mid sidaas oo kale u diirnaxaya Soomaali } fadlan codkaaga sii shaqsiga sifahaas iska leh cidduu doono ha ahaadee. Waxaa dhici karta in aad isku qanciso sidee ayaan ku garanayaa kan daacada ah iyo kan kale, ogoow Allaah ma dayaco qofka muxsinka ah, haddii aad u niyeeysato in aad codkaaga siiso shaqsi muqlis Allaahna talo saarato ma qarsoomo qofka sifahaas iska leh. Walaal dib u aqri siirada saxaabada ridwaanulaahi canhumaa, {maalintii  Cabdiraxmaan Binu Cowf loo doortay in uu soo magacaabo qofkii noqon lahaa Khaliifkii islaamka, oo uu habeen iyo maalin u taagnaa, isagoo ku fekerayey in qofka uu ka tago lagu eedeeyo in uu uga tegay maalin ay isqabteen, ama qofka uu doorto loo fekero in ay wax ka dhexeeyeen, isagoo habeen iyo maalin Allaah ka baryayey in uu talada wanaagsan waafajiyo, isagoo la tashiyo fara baddan sameeyaynayey lana tashanayey qof walboo waxgarad ahaa oo markaas joogay magaalada Madiina}. Haddaba Malaga yaabaa in aad sidaas u fekerto oo aad sameyso la tashiyo ku aadan qofkaad codkaaga siin laheyd, Malaga yaabaa in aad codkaaga aadan u eegin kan ayaa igu reer ah ama kan ayaa shilimaad bixinaya, ama kan ayaa jago iyo arimo kale ii ballan qaaday. Ogoow wax Allaah kuu qoray cid kaa qaadi kartaa ma jirto, wax uusan Allaah kugu talo galina cid ku siin kartaa ma jirto. Sidoo kale waxaa iga talo ah haddii ay iska kaa qabato labo daran kala dooro, tusaale ahaan labo shar wadayaal ah oo ay dantu ka fursan weyso xitaa fadlan dooro labadooda kan sharta yar oo ugu yaraan laga fili karo in uu wax uun ummaddan u qabto.

Allaah ayaan waxaan ka baryeeynaa in uu talada wanaagsan idiin waafajiyo oo uu Soomaali markaan Allaah usoo dooro kii naga saari lahaa burburka, mugdiga, macluusha, qaxootinimada, sharafdarada, qabyaalada  isagoo Allaah talo saaranaya naguna hagaya waddada wanaagsan. Inshaa’allaah, Allaah xagiisa waxba kama aha weyna dhici doontaa inshaa’allaah.

Wabilaahi Toowfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser –
Leicester UK

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online